Ma Lagu Heshiin Kara Khariidadda Tubta Doorashooyinka?

Date:

MA LAGU HESHIIN KARAA KHARIIDADDA TUBTA DOORASHOOYINKA (ELECTIONS ROAD MAP)
Sida ay ku taliyeen Midowga Yurub oo ka kooban 27 dal iyo dawlado gaar ah sida UK, Norway, Sweden, France, iyo Germany waxa muhiim ah in saamilayda doorashooyinku ay heshiis ka gaadhaan Khariidadda Tubta Doorashooyinka (Elections Road Map). Inta talada soo jeedisay waa qaadhaan bixiyayaasha ugu muhiimsan ee sida gaarka ah muddada dheer Somaliland uga taageerayay dhinaca dimuqraadiyadda, gaar ahaan doorashooyinkii dalka hore dalka qabsoomay, haddana cadeeyay in ay diyaar u yihiin inay Somaliland ka taageeraan doorashooyinka sanadkan ee sadexda ah hadii loola tago qorshe la isla ogol yahay oo ku saabsan faahfaahinta wakhtiyada qabashada hawlaha doorashooyinka iyo qoondada khrashyada ku baxaya. EU iyo waddanada Gaargaarka ah ee talada soo jeediyay ayaa laftoodu ka mid ah kana mid ahaan jiray saamilayda (stakeholders) doorashooyinka qay-libaaxna ka qaata dhinaca maaliyadda iyo farsamada oo muhiim u ah suurogelinta qabsoomidda doorashooyinka.
Qaadhaan bixiyayaasha qoraalka ay shalay soo saareen waxay kubbadda u soo laadeen dhinaca saamilaydda kale ee Somaliland oo hadda ay kubbaddu la taalo.
Hadaba marka aan eego danaha la wada leeyahay iyo kuwa la kala leeyahay, kana mid ahay inta xogogaalka loo tirin karo waxan aaminsanahay in heshiis laga gaadhi karo qorashaha doorashooyinka, gaar ahaan kuwa tooska ah ee sanka isku haya. Sadex scenario ayaa jira oo laga yaabo in mid aan lagu heshiin karin balse labada kale ay suurogal tahay in mid ahaan la isugu tegi karo. Waxay kala yihiin:
Scenario 1- Ta aan lagu heshiin karin hadana ay u dhici karto ayaa ah doorashada Madaxtooyada oo meesha ka baxda laba sanadoodna loo kordhiyomadaxwaynaha xilka haya, doorashada ururada iyo xisbiyadana la qabto dhamaadka sanadkan. Taasi mucaaridku ma aqbali karaan oo waa la og yahay. Sidaa daraadeed iyadu xal ma noqon karto marka laga duulayo talobixintii qaadhaan bixiyayaasha, khilaaf siyaasadeed iyo muran sharcina oo aan dan u ahayn Somalilandna way ka dhalan karaan.
Scenario 2 – waa labada doorasho oo labaduba ay wada qabsoomaan balse ay soo horayso ta ururada iyo xisbiyadu ku tartamayaan December sadex xisbina ay ka soo baxaan doorashada madaxtooyaduna ay qabsoomayso ugu dambayn May 2023. Tan labaad hadii ay run tahay in Madaxwayne Muuse ee doonayo waxa keliya ee loo qaadan karaa in uu doonayo sadexda doorashoba ay qabsoomaan inta isagu kursiga ku fadhiyo ee looma qaadan karo cimridherersi. Hadii labada xisbi mucaarid ama mid ahaani tanaasulo waa suurogal in lagu heshiin karo
Scenario 3- waa doorashada Madaxtooyada oo ku qabsoonta wakhtigeeda 13 November doorashada Ururada iyo Xisbiyaduna ay qabsoonto ugu dambayn May 2023. Tan ugu dambaysa labada doorasho waxay u kala qabsoomi karaan sida ay u kala horeeyaan waana sida ay doonayaan labada xisbi mucaarid. Tan lafteeda ayaa suurogal ah in lagu heshiin karo hadii Madaxwayne Muuse uu tanaasulo
Hadaba in kasta oo siyaasiyiinta Somaliland badankoodu muxaafid iyo mucaaridba ay ku adag tahay uu ku adag yahay tanaasulku hadana anigu uma aqaan tanaasulka ceeb iyo nacasnimo sida ay siyaasiyiinta Somaliland badankoodu u yaqaanaan. Hadana anigu marka ay dan qaran tahay nacasnimada lafteeda ayaan ogolahay. Waxa ka xun in la heshiin waayo xaalkuna noqdo ismuquunin iyo ninkii rooni reerka ha u hadho oo aanan runtii anigu u arag in gebi ahaanba ay ku jirto wax dan u ah Somaliland qaran ahaan
CALIGUREY
HARGEYSA, SOMALILAND

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...