Somalia: Amiirka Al Shabaab Oo Hadley Shaaciyey-na Cidii Ay La Damac Sanaayeen Qaraxii Eng Yariisow Lagu Dilay

Date:

Garabka warbaahinta Al-Shabab ee Al-Kataib ayaa baahisay cod 20 daqiiqo soconaya oo hoggaamiyahooda Axmed Cumar Diriye oo loo yaqaanno Abu-Cubeydah, oo in mudda ah la la’aa uu kaga hadlayo xaaladda Soomaaliya,

Waxaa jiray hadalhayn hore oo ahayd in Abuu Cubeyd uu dhintay, codkan u dambeeyay ee uu duubay ayaa meesha ka saaray hadalhayntaasi.

Tani iyo wixii ka dambeeyey bishi Luulyo ee sanadkii 2018-kii marki ay idacadda ciidamada Qaranka Soomaaliya ay baahisay in Ab-Cubeydah uu u dhintay cudura kaansarka ayaanan wax war ah laga helin hogaamiyaha Al Shabaab.

Warbaahinnada kale aya iyaguna baahiyey dhimashadiisa, iyagoo qaarkood sheegay in uu ku dhintay isbitaal.

Hadalka ka soo yeeray Abuu Cubeyd ayaa u muuqda mid bixinayo sawir ka ka duwan wixii ay baahinayeen qaar kamid ah warbaahinta.

Codka Abu-Cubeydah ayaa laga dareemayaa in la duubay intii u dhaxeysay 22 Agoost ilaa iyo 18-ka bishan, maadaama qaar kamid ah hadaladiisa ay ku qottomaan doorashada Madaxweynanimo ee Jubbland oo dhacday Agoost 2019-ka, iyo hambalyada uu u dirayo dagaallamayaasha Alshabaab ee ku aadan sanadka cusub ee Islaamka oo billaawday 30-kii bisha Agoost.

Hadalka hogaamiyaha Shabaab ayaa yimid xilli kooxdiisa ay wajaheysa cadaadis ballaaran oo ay ku hayaan ciidammada dowladda, kuwa AMISOm oo taagera ka halaya duqeymaha diyaaradaha Mareykanka.

Abu-Cubeydah wuxuu sida oo kale codka laga duubay uu kaga warramay weerarki Magaalada Muqdisho ka dhacay bishi Luulyo oo lagu dilay Duqii Magaalada Muqdisho Cabdi Raxmaan Cumar Cusmaan injiner Yariisow.

Kooxdiisa ayaa horay u sheegatay weerarkaasi. Wuxuuna sheegay in weerarkaasi ay si gaar ah ugu beegsanayeen wakiilka Gaarka ee Qaramada Midoobay u fadhiya Soomaaliya, James Swan, balse uu qaraxa ismidaaminta uu dirqi kaga badbaaday. Wakiilka oo ku socda xafiiska duqa Muqdisho ayaa wax yar uun ka hor ka baxay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Bilihi la soo dhaafay, ururka wuxuu la daala dhaacayay beeninta warar sheegayay inay dhinteen masuuliyiin sarsare.

27-kii bishi Maarso wargeyska dalka Kenya ka so baxa ee Daily Nation wuu qoray warbixin ku saabsan dhimashada Axmed Imaan Cali oo la rumeysan yahay ururka inuu u qaabilsan yahay dagaallmayaasha Al-shabaab ee ajaanibta ah. 27k-ki bishi May ayuu cali soo duubay muuqal 15 daqiiqo soconaya oo ay sii daayeen warbaahinta Alshabaab ee al-Kataib.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...