Shirkaddaha Dahabshiil Oil iyo Hass Petroleum oo saxeexay Heshiis Ganacsi oo ay ku midoobeen

Date:

Shirkaddaha Dahabshiil Oil iyo Hass Petroleum ayaa kala saxeexday heshiis ay ku midoobeen labada shirkaddood. Heshiiskan ayay Shirkadda Dahabshiil Oil oo qayb ka ah Dahabshiil Group kula wareegtay saamiga ugu badan, islamarkaana hoggaanka u qabatay maamulka iyo shaqada shirkaddan Shidaalka.

Munaasibadda heshiiska oo ka dhacday Hargeysa waxa ka qayb galay madax sare oo ka kala socday labada shirkadood, ganacsato, masuuliyiin ka socda xukumadda iyo marti sharaf kale.

Maareeye ku xigeenka Dahabshiil Group Mudane Cabdiraxmaan Cali Cabdi ayaa sharraxaad ka bixiyay ahmiyadda uu leeyahay midawga labada shirkaddood iyo doorka ay Dahabshiil Oil ka ciyaari doonto.

“Dahabshiil Group waxay ka kooban tahay qaybta maaliyadda ee baananka, xawaaladda, E-Dahab iyo qaybta ganacsiga oo ay ka mid tahay qaybtan ganacsiga shidaalka ee Hass Petroleum la midoobaysa. Dahabshiil Oil oo la aasaasay 2019 waxay muddadaa yar dalka keentay shidaal baaxaddiisu aanay yarayn, tayadiisu fiican tahay wax weyna ka bedelay shidaallada dalka yimaadda. Waxa kale oo ay muddadaa yar ku guulaysatay in ay xidhiidh la yeelato shirkaddaha ugu waaweyn shidaalka oo ay ka mid tahay shirkadda Vitol oo xidhiidhkoodu wax ka tarayo kor u qaadista tayada iyo hoos u dhigidda qiimaha.

Anaga oo qodobadaas ka duulayna waxa aanu go’aansanay in aanu shirkadda weyn ee Hass Pedroleum oo aqoon iyo waayo aragnimo u leh qaybtan (shidaalka) wax wada qabsano anaga oo ka faa’iidaysanayna khibraddooda gayiga Soomaalida iyo meelaha kale ee ay ka shaqeeyaan iyo aqoonta aanu u leenahay maaliyadda marka aanu isla kaashano waxa aanu gaadhsiin karnaa Geeska awood ka balaadhan inta imika, waxaanay isku biiristaasi kordhinaysa aqoon, dhaqaale, dhaqaale korna u qaadayso tayada shidaalka. Saamiga ay Dahabshiil Oil ka iibsatay shirkadda Hass Pedroleum waa Saami majoorati ah waana saami (Share) ay ku hoggaamin doonto maamulka iyo shaqada sidii loo balaadhinayo iyada oo maamulka iyo shaqaalaha Hass Pedroleum ay doorkooda qaadan doonan maaddaama ay waayo aragnimadii hayaan,” ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan Cali

Guddoomiyaha Guud ee Dahabshiil Group Mudane Maxamed Siciid Ducaale (Dahabshiil) ayaa sheegay in qaynta shidaalka ee Dahabshiil hiigsigeedu yahay in ay ka qayb noqoto shirkadaha waaweyn ee Shidaalka ka ganacsada Dunida sidaas awgeedna ay uga faa’iidaysteen waayo aragnimada iyo aqoonta Hass Pedroleum.

‘Waxa aanu hiigsanayna sida todobadan shirkaddood ee Dunida haysta oo kale in aanu noqono marka maaddaama ay iyagu haystaan (Hass Pedroleum) haysato Bariga Afrika waxaanu rajaynayna in ay noo dayn doonan Itoobiya marka ay haboonaato. Waxa aan midawga labadan shirkaddood ka raynaya kuwo ku faa’iida dalka iyo dadkana u faa’iideeya in ay noqdaan, wixii hore ee waxtar aanu bixin jirayna sii laban laabno, dawladdana wada shaqayn fiican yeelano oo cashuur intii ay heli jirtay ka badan ka hesho dadkuna shaqo helaan,” ayuu yidhi Mudane Maxamed Siciid Dahabshiil.

Mudane Cabdiqaadir Axmed Xuseen oo ka mid ah madaxda shirkadda Hass Pedroleum ayaa sheegay in Maxamed Siciid Dahabshiil door weyn ku lahaa bilawgii bud-dhigga shirkadda ee Somaliland haddana ay ku faraxsan yihiin in ay bahwadaag noqdeen “ Isku tagga labada shirkadood wuxuu sii xoojinaya awoodda shirkadda iyo in mustaqbalka la isu diyaariyo in suuqa Itoobiya loo diyaar garoobo,” ayuu yidhi Mudane Cabdiqaadir Axmed.

Mudane Abdinasir Ali Hasan oo ah Gudoomiyaga Hass Group ayaa sheegay in shirkadda Hass Petroleum lagu maalgaliyay lacag gaadhaysa $50 Million waxaanu ku dary “waxaan aad ugu mahadnaqayaa odayaasha aadka noo soo dhaweeyay ee uu ku jiro Haji maxamed Siciid Ducaale, waxaanan ku faraxsanahay maanta wuxuu maalintii hore ka baqay inuun maanta ku dhiirado, aadna waanu isugu dhawnahay oo wixii talo iyo tusaale ah iyo wax wadaqabasho ahi naga dhaxeeyaan, waxaanan maanta ku faraxsanahay in ilaahay qadary in aanu labadii shirkadood mideyno, Hass waxay ka shaqeysaa 11 Dal oo Afrika”

Guddoomiyaha Golaha Wakiillada JSL Mudane Cabdirisaaq Khaliif Axmed ayaa tilmaamay in midawga labada shirkaddood kor u qaadayo awooddooda iyo doorkooda ay Qarankaga horumarkiisa kaga jiraan “Waxaan qiraya shirkadda Dahabshiil oo ah ta dalkeena ugu balaadhan ee ka ganacsatada Bangiyada, xawaaladda ama ganacsiga guud waxa ay dalka ka qabatayna wax aad u muuqda weeye oo ay muddo dheer ka soo shaqaynaysay. Shirkadda Hass intii ay joogtay Somaliland waxay ku yeelatay door weyn midawgooda iyo in ay cuddooda mideeyeen labada shirkaddood waa wax aad u weyn,” ayuu yidhi Mudane Cabdirisaaq Khaliif.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...