Xukumaddii waxay ku mashquulsantay Xildhinaanno Iib ah!

W/Q Xildhibaan Maxamed Abiib

Dawladii masuulka ka ahayd Maciishada Cirka isku shareertay ee shacabka danyarta noloshooda gubaysaa waxay ku mashquul san tahay sidii ay u heli lahayd Xildhibaano Iiba?

Oo miyay lacagta adag ee ay ku holanayaan xildhibaan iiba wax kaga qabtaan maciishada? Kagama qabanayaan oo kursiga iyo faanka waaan muquuninay ayaa kala wayn kumanaan caawa gaajo dalka ugu dhinta?

Insha Allaahu waxan golaha cusub hor gayn doonaa inay dajiyaan siyaasado iyo xeerar xakamaynaya waxkasta oo kicin kara nolosha aas aasiga ah ee bulshada somaliland ee jilicsan

Qaaliyaynta cashuuraha maciishada iyo dharku maaha wax loo dul qaadan karo sidoo kale waxan macquul ahayn ganacsato ku heshiisa inay suuqa ku maamulaan heshiis ah sideen bulshada kaga faaidnaa taasoo mararka qaar keenta inay yareeyaan waxa ay keenayaan ama soo yareeya waxa ay keenayaan si bulshada yaraan loo dareensiiyo si qiimo sare loogu iibiyo.

Waa in la helaa Gudiga gaara oo si gaara u daba gala maciishadaha dharka iyo kirada guryahay shacabka looga ilaasho in sidii la doono wax looga iibsho.

Hoos ka aqri qorarka qiimaha raashinka oo uu ka hadlayo qof kamida bakhaar layaasha dalka oo aan kasoo xiganay wargayska geeska Afrika

Mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Magaalada Hargeysa, ayaa u sheegay Wargeyska in Raashinka dalka dibeddiisa ka yimaadda ka sakow uu kordhay qiimaha waxa gudaha Somaliland laga soo saaro.

“Shay walba oo aanu iibino sare ayey u kaceen, iska daa wax dibedda inooga yimaadda’e ee xittaa waxaa sare u kacay qiimaha waxyaabaha dalkeena laga soo saaro.” Ayuu yidhi mid ka mid ah Dadka Bakhaarrada ku haysta Hargeysa, waxaanu intaa ju daray “Waxyaabaha sare u kacay muddooyinkii ugu dambeeyey waxaa ka mid ah Bariiska, oo gadbadda waxaanu siin jirnay 24 dollar, haddana waxaanu siinaynaa 30 dollar, daqiiqda oo aanu siin jirnay 21 dollar, hadda waxaanu siinaynaa 24 ilaa 25 dollar, Sonkorta oo aanu siin jirnay 23 dollar, hadda waxay maraysaa 26, 27 illaa 28 dollar, Saliidaha noocyadeeda kala duwan iyana waxaa ku kordhay qiime, oo tusaale ahaan saliidaha qaarkood oo jirikaankii joogay 18 dollar, hadda waxaa la siinayaa 28 dollar oo 10 dollar ayaa ku kordhay, Baastada iyana qiimaheedii wax baa ku kordhay, oo kartoonkii 6 dollar ahaa hadda wuxuu marayaa 8 dollar..”

Comments

comments