Wasiirrada kama yeelayno In ay na seejiyaan Guusha…

” kulmiye-nimaddu qaali bay igu joogtaa ” .

W/Q Xildhibaan Axmed Nuur Guruuje

In aan qabyaaladda la dagaalamo ,dadka isu Soo dhaweeyo xisbinimadanadana aan xoojiyo ayaan kulmiye isagga sharaxay anigoo og halista arrintaasi leedahey .

Kulmiye in aan iska sharaxay awgeed waxaan ku waayay 3 labba codkii aan heli lahaa , waxaana kulmiye awgii IGA codeeyey dadkii iigu dhawaa intoodii badnayd iyagoo igu diidey kulmiye awgii .

Maanta anagoo buuro dhaadheer iyo jarar waawayn gurguurasho kagga Soo baxney Marnaba nama qabato in dad xisbiyo kale kasoo baxay nagu qabsadaan jidkii siraad ee aanu saawasaawaha kusoo maray .

Wasiiraddii ku guulaysatay in ay Hal xubin baarlamaan iyo deegaan xisbiga kasoo saaraana kama yeelayno in guushii aanu xiniinyahayagga ku keeney na seejiyeen .

Comments

comments