Calanka?????? W/Q Mustafe Qodax

Date:

Calanka??????

waxa beryahan kusoo badanaya somaliland dhalinyaro abaabulan oo si badheedh ah calanka soomaaliya u qaadanaya gudaha Somaliland, sheekadani waxay ahayd mid marmar uun dhacda oo waliba hal qof sameeyo ama la arko xilliyada mudaaharaad dawalada lagaga cabanayaa jiro lakin intii xukunka Farmaajo jiray waxay noqotay mid aad usoo noqnoqota oo waliba lagu beego xilliyo ay jiraan munaadibado dabaaldeg loogu samaynayo qaranimada somaliland sida 18, may iyo 26, june.

dhalinyarada calanka somaliya lulaysaa maaha qaar wax ka garanaya ama soo gaadhay dalkii la odhan jiray somaliya ee ka koobnaa somaliland iyo somaliya oo shaqaynaya, islamarkaana maaha qaar dood iyo faallo ka dhiiban kara waxay calankan usitaan waayo kuuma sheegi karaan meel somaliland dhaanya oo maanta ay u hayaamaan oo dhulka somalidu degto ka mid ah somaliyana hadalkeedaba daa, marka sidaa xaalku yahay waxkale ayaa jira waa inay dawladu daba gashaa arinta sidan hadda loo wajaho ee ah kaliya in maalinta calanka lala soo baks uu boolisku halkaa ku yaaco wax laga bedelaa.
wasabi waa debbi abaabulan oo cadawga somaliland gudaha iyo dibabada labadaba kasoo abaabulayo.

qaadashada calanka somaliya gudaha somaliland ma denbibaa?

haa,
dastuurka somaliland wuxuu xor kadhigay qofka iyo aragtidiisa siyaasadeed inaan loo dabagali karin tanise maaha sidaas cid kudoodi kartaana majirto waayo, waxkasta oo wax udhimaya amaanka, wada noolaanshaha iyo isku duubnida umadani waa denbi, sidaa daraadeed waa debiile qofka calan dad badan soo xusuusinaya halaag iyo rogmad dadkan loo gaystay ku qaata hortooda, mana jirto wuxuu ka tarayo midnimo iyo kala tag toon calan meel aan meeshiisii ahayn laga lulaa, qaadashada calanka somaiya ee halkani maaha somali jacayl oo taa waa la hubaa ee waa ku xumayn iyo ugu yaraan in laga cadhaysiiyo dadkan dalkooda hagaajistay mooralkoodana wax la yeelo dhalinyarada reer somaliland ee arintaa samaynaysaana waa qaar aan iska hubsan waxan loosheegay.

ogoow dhalinyarada falalkaa samaynaysaa maaha qaar loo cudurdaari karo sababtuna waxa weeye halgan kasta waxa gala ee dhiiga shubaa waa dhalinyaro dunida oo dhan oo dalkan laftiisa raggii ku dhamaaday waxay da’ ahaan leekaayeen kuwan hadda calanka buluuga ah sita, mar hadduu qofku qaangaadho ilaahayba denbigiisa quu xisaabiyaa, aniga taladaydu waxa weeye arintani maaha wax la dhayalsan karo, waxanad moodaa in aanay siyaasiyiinteenu arintaa aad ugu baraarugsanayn.
dawladeena waxa looga baahan inay dedaalka arintaa ku wajahan istiraajiyad ka yeelato taasoo isugu jirta mid maskaxeed mid muruq intaba, waxan aaminsanahay in jawaab adag laga bixiyo falalka noocaas ah islamrkaana xididada loo Saaro meelo laga soo abaabulo iyadoon meesha laga saarayn inaynu cadawga ku beegsanno gudaha iyo bibadda labadaba awoodaana waynu leenahay

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...