Somaliland Oo Qaramada Midoobay U Dirtay Qoraal 7 Bog Ah

Date:

Bishii March ee sannadkii 2020, ayaa waxa Xukuumadda Somaliland joojisay Hawlaha Hay’adaha Qaramada Midoobay ka wadaan gudaha Somaliland, ka dib markii ay soo baxday in qorshaha 4-ta sanadood ee soo socda ee Qaramada Midoobay ku hawl-galayso uu waafaqsan yahay Qorshaha Horumarinta ee ay dejisay Dawladda Soomaaliya.

Wixii intaa ka dambeeyay, waxa xidhiidh wada sameeyay Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi iyo Ergayga Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya James Swan, si ay xal uga gaadhaan khilaafkaasi, balse Bishan horraanteedii ayaa waxa Magaalada Hargeysa soo gaadhay Ergayga Qaramada Midoobay James Swan, kaasi oo la kulmay Madaxweynaha Somaliland.

Labada dhinac, ayaa ka wada-hadlay sidii xal looga gaadhi lahaa khilaafka ka dhashay habka Qaramada Midoobay doonayso inay uga hawl-gasho gudaha Somaliland, balse wax xal ah lagama gaadhin khilaafkii jira, hase-yeeshee waxay labada dhinac ku yeesheen inay sii wada-hadallada xalka lagu raadinayo khilaafkaasi, sida lagu sheegay War-saxaafadeed ka soo baxay Madaxtooyada JSL  “Jamhuuriyadda Somaliland iyo qaramada midoobay waxa ay ku heshiiyeen inay sii wadaan wada-hadalkii iyo kulamadii ay kaga wada xaajoonayeen arrimaha wada-shaqaynta hay’adaha qaramada midoobay iyo Jamhuuriyadda Somaliland..” ayaa lagu sheegay War-saxaafadeedkaasi.

Laakiin, intaasi ka dib, Xukuumadda Somaliland waxay Qaramada Midoobay u dirtay Dhukumanti ka kooban 7 Bog, kaasi lagu sharraxay isla-markaana lagu faahfaahiyey Habka ama Baratakoolka Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula shaqayso, iyadoo ixtiraamaysa Madax-bannaanideeda.

Dhukumantiga Xukuumaddu u dirtay Qaramada Midoobay oo ay diyaarisay Wasaaradda Qorshaynta Qaranka Somaliland isla-markaana ay baahisay Warbaahinta Somalilandchronicle.com, ayaa lagu sheegay in Somaliland doonayso in Qaramada Midoobay ula Macaamiisho si gaar ah “Jamhuuriyadda Somaliland waligeed kamay mid noqon nidaamka federaalka, xidhiidh rasmi ahna lama yeelan muddo soddon sano ah Soomaaliya…” ayaa lagu sheegay dhukumantiga ay Somaliland u dirtay Qaramada Midoobay, kaasi oo intaa ku daray  “Qaramada Midoobay waxaa laga sugayaa inay Dawladda Somaliland ula macaamisho maamul gooni ah, iyada oo la ixtiraamayo madax-banaanideeda dhuleed iyo xaqa aayo ka tashigeed”

@ Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...