Safiirkii Hore Ee Maraykanka U Qaabilsanaa Soomaaliya Oo Dawladdiisa U Soo jeediyey Inay Qunsuliyad Ka furato Somaliland

Date:

Safiirkii Dawladdii Maraykanka u fadhiyey Dalka Sooaaliya intii u dhaxaysay 2016 ilaa 2017, Amb. Stephen M. Schwartz, ayaa Dawladdiisa u soo jeediyey inay qunsuliyad ka furato Somaliland.

Amb. Stephen M. Schwartz oo qoraal dheer qoray ayaa waxa kale uu Dawladdiisa u soo jeediyey inay Midowga Afrika kala shaqayso sidii loo dhisi lahaa meeqaamka Somaliland iyo in Madaxweynaha xiga Farmaajo ee Soomaaliya uu sameeyo Wada-hadallo midho-dhal ah oo uu la yeesho Somaliland.

Amb. Stephen M. Schwartz oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi  “Masaafadda iyo inay ka fog tahay Muqdisho, Maraykanku waa inuu Somaliland ka samaystaa Qunsuliyad, si ay u caawiso muwaaidniinta Maraykanka, Ganacsiga iyo in la dhiso xidhiidhada.”

Safiirku waxa kale oo uu sheegay “Waa inay sidoo kale kala shaqaysaa midowga iyo dhinacyada kaleba in la xalliyo meeqaamka Somaliland, iyadoo Madaxweynaha soo socda ee Soomaaliya (Madaxweynaha kan xiga) lagu dhiirigelinayo inuu sameeyo Wada-hadallo deg-deg ah oo macno leh.”ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray oo uu ka hadlay “Degannaanshaha Somaliland iyo halka ay ku taallo, gaar ahaan dekedda Berbera waxay Maraykanka siin kartaa xulaashooyin istaraatiijiyadeed oo faa’iido leh, laakiin waa haddii ay Somaliland yeelato sharci caalami ah oo lagaga wada xaajoodo heshiisyada.”

@Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...