War-bixin Sheegtay In Xukuumaddu Sannadkii dhamaaday 70.000 Kun Oo Dollar Ku Bixisay In Laga Difaaco Baraha Bulshada

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa la sheegay inay sannadkii dhamaaday ee 2020 lacag badan ku bixisay waxa loogu yeedho ‘Difaacidda Danaha Somaliland ee Baraha Bulshada’, taasi oo macnaheedu yahay in Dad si gaar ah loo Naasnuujiyey ay Xukuumadda ka difaacaan Baraha Bulshadu ku xidhiidho gudahooda ama in la aamusiyo Mareegaha Internet-ka, si aan wax looga qorin Xukuumadda.

Warbaahinta Somalilandchronicle oo uu Wargeyska Geeska Afrika soo xigtay, ayaa ku warrantay in sannadkii dhamaaday Wasaaradda Warfaafinta, dhaqanka iyo Wacyi-gelinta Somaliland ay lacag gaadhaysa 70.000 Dollar ku bixisay ‘Difaacidda danaha Somaliland ee baraha Bulshada’.

Warbaahinta Somalilandchronicle waxay xustay laba ka mid ah Mareegaha Wararka Internet-ka oo ay sheegtay in la siiyey Lacagta ugu badan, halka lacagta inteeda kalena la siiyey shaqsiyaad aan badnayn.

War-bixintan oo biyo-dhaceedu yahay in Xukuumaddu ku dedaalayso inay Gacanta ku dhigto Warbaahinta Madax-banaan si aan wax looga qorin Xukuumadda ayaa sheegtay “Arrintani maaha dedaalka kaliya ee ay xukuumada Somaliland iyo wasiir Koore ay ku doonayaan inay saxaafadda ku hoos keenaan gacanta dowlada..” ayuu sheegay Somalilandchronicle oo soo xiganaya Ilo-wareedyo.

Somalilandchronicle waxay sheegtay inay la xidhiidhay Wasiirka Warfaafinta Somaliland, si ay arrintan wax uga waydiiso, balse aanay suurto-gelin inay helaan.
Geeska Afrika

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...