Maxay iska metelaan Goolkii Muranka Dhaliyay Ee Xaysimo Iyo Goolka Ciyaartan Caalamiga?

Date:

Kooxda dhallinyarada Gibraltar oo ciyaar heer caalami ah la yeelatay kooxda dhigooda ah ee Macedonia ayaa si degdeg ah u dhalisay goolkoodii barbaraha, kadib markii ay kooxda reer Mecadonia u dabaal-degayeen gool ay dhaliyeen waqtigii ciyaartu sii dhammaanaysay.
Xulka dhallinyarada Mecadonia oo helay fursad koone ayaa dhaliyey, waxayna ciyaartoygu u soo wada yaaceen dhinaca haafkooda (half) ee garoonka, iyagoo halkaas kula dabbaaldegay tababarahooda, ciyaartoygii kaydka fadhiyey iyo shaqaalihii kale ee la socdayba, kadibna ciyaartoyga Jasiiradda Gibraltar ayaa si degdeg ah kubbadda u soo dhigay dhexda garoonka (D-da), wayna isku taabteen kubbaddii, sidaas ayeyna ku dhaliyeen goolkii barbaraha, garsoorkii ciyaartuna si sharci ah ayuu u ansixiyey goolkaas ay dhaliyeen ciyaartoyga Gibraltar, maadaama ay kooxda Mecadonia ku dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda ee garoonka.
Haddaba, kooxda Gobolka Xaysimo ayaa ciyaar ay maanta (Sabti, 31 October 2020) la yeesheen Gobolka Daadmadheedh waxay gool u dhaliyeen qaabkan oo kale, iyagoo ku andacooday in kooxda Daadmadheedh ay gool rikoodha ah oo ay dhaliyeen ugu dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda, balse waxa ay garoonka ka baxeen markii garsoorihii ciyaartu diiday inuu ansixiyo goolkaas, waxayna ciyaartu ku dhammaatay Daadmadheedh 2: 1 Xaysimo, waxaana warka rasmiga ah laga sugayaa xidhiidhka Kubbadda cagta Somaliland iyo wasaaradda ciyaaraha, balse haddii ay dhab noqoto in ciyaartoyga Daadmadheedh ay dhammaantood ku dabbaal-degayeen dhinaca haafkooda waxa suurtogal in goolkaas sharci looga dhigo reer Xaysimo, iyadoo la eegayo shuruucda caalamiga ah ee Kubbadda Cagta Adduunka.
W/Q Suxufi Maxamed Cirro

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...