Dahabshiil Oo Agab Ciyaareed Ku Wareejisay 10 Gobol

Date:

Shirkadda Dahabshiil Group ayaa 10 ka mid ah xulalka gobollada Somaliland ee ka qayb qaadanaya tartanka Gobollada ee 28-10-2020 ka furmaya Hargeysa ku wareejisay agabka ay ku ciyaarayaan.

Munaasibad balaadhan oo lagu qabtay Hargeysa ayaa lagu soo bandhigay maalgalinta shirkaddu ku samaynayso xulalka tartanka ka qayb galaya waxaana madasha goob joog ka ahaa masuuliyiinta saree e Dahasbiil Group, wasiirro ka tirsan xukumadda, xildhibaanno, masuuliyiin kala duwan iyo marti Sharaf kale.

Fu’aad Axmed Nuux madaxa hawlgalinta ee shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in shirkaddu markasta ahmiyad weyn siiso ka qayb qaadashada arrimaha bulshada iyo dhiiri gelinta dhallinyarada “Haddii aanu nahay shirkadda Dahabshiil waxa mar walba farxad noo ah in aanu qayb ka noqono arrimaha bulshada iyo waxyaabaha bulshada waxtarka u leh sida dhallinyarada, waxbarashada iyo caafimaadka. Munaasibaddana waxa aanu ku wareejinayna 10 kooxood oo ka mid ah gobollada agabkii ay ku ciyaari lahaayeen,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Fu’aad Axmed Nuux.

Samiir Ducaale oo ka mid ah masuuliyiinta shirkadda Somtel ayaa sheegay in ay shirkad ahaan diyaariyeen sidii Khadka Internet-ka Somtel si toos ah loogu gudbin lahaa daawashada ciyaaraha “Sharaf bay noo tahay in aanu sidii caadada u ahayd Dahabshiil Group sanadkana ka qayb qaadano ciyaaraha gobollada oo aanu dhammaan agabkii ay ku ciyaari lahaayeen siino gobollada inta koobku socdo. Sida oo kale shirkadda Somtel waxay wasaaradda warfaafinta u ballanqaadday in inta ay ciyaaruhu socdaan si toos ah u gudbin doono(Khadka Internetka Somtel si toos ah loogu gudbin doono daawashada ciyaaraha).  2011-kii ayay ahayd markii u horaysay ee geyiga Soomaalida si toos ah ciyaaro looga daawado markaana shirkadda Somtel ayaa suuro gelisay,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Samiir Ducaale.

Mudane Cabdiraxmaan Cali Xaaji oo ka mid ah madaxda shirkadda Dahabshiil ayaa sheegay in shirkaddu abaalmarino u ballanqaadayso ciyaartoyda doorka fiican ka qaata tartanka, islamarkaana ay abaalmarinaha ka mid noqon doonan ciyaaryahanka goolasha ugu badan dhaliya oo ay abaalmarin ula diyaar yihiin “Dahabshiil wakhtigii hore waxa ay isku xidhay dadkii qaxay iyo dadkii dalka ku soo hadhay, mar labaadna waxay samaysay bangi isku xidha caalamka iyo dalka, waxa kale oo ay keentay shirkadda casriga ah ee isgaadhsiinta ee Somtel,” Sidaas ayuu yidhi Mudane Cabdiraxmaan.

Wasiirka Hawlaha Guud ee Somaliland mudane Cabdirashiid Ducaale Qambi ayaa shirkadda Dahabshiil Group ku ammaanay sida ay hormoodka ugu tahay ka qayb qaadashada baahiyaha bulshada “Dahabshiil Group waxa aan makhraati uga ahay in ay doorka koowaad ka qaadato wax kasta oo dalka laga qabanayo,” ayuu yidhi wasiir Qambi.

Dahabshiil Oo $100,000 Ugu Deeqay Dugsiga Berbera

Wasiirka deegaanka Marwo Shukri Xaaji Ismaaciil Bandare ayaa shirkadda Dahabshiil Group ku majeeratay sida ay ugu heellan tahay in ay mar walba la dareen ahaato bulshada “Illaahay ayaynu ugu mahadcelinayna in Dahabshiil Group tahay shirkad dhinac kasta oo aad eegto wax ka tarta,” ayay tidhi Wasiir Shukri.
Dahabshiil Group Oo Qabatay Orodka 10km iyo 42Km
Masuuliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin xildhibaanno, agaasimeyaal iyo masuuliyiin kale ayaa shirkadda Dahabshiil ku ammaanay doorka ay kaga jirto waxqabadka bulshada, islamarkaana si gaar ah u barbar taaggan tahay dhallinyarada oo ay inta badan qayb libaax ka qaadato dhismaha garoomada, maalgalinta tartannada ciyaaraha iyo guud ahaan dhiiri gelinta dhallinyarada.
Nin 50 Dal Soo Maray Oo Shirkada Dahabshiil Amaanay

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...