“Anagu Guurtida Baryi Mayno Ee Madaxweynuhu Digreeto Ha Soo Saaro Oo Ha Fuliyo Heshiiskii..”Guddoomiye Cirro

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee Waddani iyo wakiillada, Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi(Cirro), ayaa ganafka ku dhuftay mawqifka xukumadda ee ah inaanay ka bixin heshiiskii saddexda xisbi iyo Xukumadda ee ahaa in doorashada la qabto December 2016-ka oo ay xukumadda iyo Kulmiye sheegeen inay heshiiskaas wali taabacsan yihiin.

Guddoomiyaha oo saxaafadda la hadlay maanta ayaa sheegay inay rumaysan yihiin heshiiska ay ka baxday Xukumaddu “Arrintaas waxaanu u aragnaa in xukumaddu heshiiskii ka baxday, sababtoo ah gogol bay xukumaddu dhigtay, maalintay gogosha dhigeen bay yidhaahdeen gogolna waanu dhignay Go’aanka guurtiduna waa sharci, iyagoo taa og waanu aqbalay gogoshii, waxaa ka soo baxay heshiis ahaa in doorashada la qabto December 2016, in doorashada la cayimo oo madaxweynuhu digreeto ku soo saaro laakiin, bil iyo badh ka dib in xukumaddu ku soo celiso heshiiskiina kamaanu bixin, go’aankii guurtiduna waa sharci, waxay ila tahay wax dadka u cuntamayana maaha, wax dunida u cuntamayana maaha, labada mid uun bay ku fiicnayd inay xukumaddu tidhaahdo,” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

[quote]Guddoomiye Cirro oo la waydiiyay inay qayb ka noqonayaan dedaalka guurtida lagaga dhaadhicinayo inay aqbalaan heshiiska asxaabta iyo xukumadda ayaa ku jawaabay “Arrintaasi mid anaga noo taala maaha, xukumadda waxaa laga rabaa inay heshiiska fuliso. Xukumadda boqol wado ayaa u furan oo waxaa u furan inay guurtida qanciso, waxaa la leeyahay madaxweynaha way is arkeen Saleebaan(guddoomiyaha guurtida)maalintii dhawayd ee uu tagayay  laakiin, mawduucaas kamay wada hadalba,”.[/quote]

Guddoomiye Cirro, ayaa ku nuux-nuuxsaday inaanay khusayn ku qancinta doorashada balse fulinta heshiiskaasi ay tahay arrin u taala Madaxweyne Siilaanyo “Xalka arrintani wuu fudud yahay,waana heshiiskaas oo la fuliye ee bari madaxweynuhu digreeto ha soo saaro..Anagu guurtida baryi mayno, go’aankoodii way gaadheen ka noqon mayno bay yidhaahdeen oo 20 jeer ku celiyeen, arrintaas fulinteedu madaxweynahay u taalaa” ayuu yidhi Gudoomiye Cirro.

 

Comments

comments