Somalia: Natiijo kasoo baxday Baaritaan labaad oo la marsiiyay maydka marxuum Cali Khaliif

Date:

Baaritaankii labaad oo lagu sameeyay maydkii AUN Cali Khaliif Galaydh, ka hor inta aan la aasin ayaa la shaaciyay inuu qabo cudurka Covdi19, taasoo meesha ka saartay shaki horey loo qabay.

Maryam Cabdi Biixi oo ahayd xaaska Cali Khaliif iyo madax dhaqameedyo uu kamid yahay garaadka guud ee beelaha SSC, ayaa sheegay in ay ku qanceen najiitada baadhitaanka, kadib markii ay horey u dalbadeen in baaritaan labaad la marsiiyo.

Qoyska Marxuumka ayaa dalbaday in la joojiyo wararka ay ku tilmaameen been abuurka oo sheegaya in marxuunku uu u geeriyooday sabab kale.

Cali Khaliif ayaa sideedii bishaan ku geeriyooday magaalada Jigjiga, geeridiisa oo lama filaan ahayd ayaa keentay shaki weyn oo ku saabsan in la sumeeyay.

Marxuumka ayaa aas qaran loogu sameeyay magaalada Muqdisho ee caasimadda Soomaaliya, halkaas oo eheladiisu codsadeen in lagu aaso.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...