Somaliland: Xanuunka Covid_19 Oo U Muuqda Inuu Ku Soo Laba-kacleeyay Somaliland & Khatarta Illaa Hadda Jirta

Date:

Xanuunka Dunida aadka ugu faafay ee Covid_19 ayaa u muuqda inuu dib ugu soo laba-kacleeyay Somaliland.

Waxa soo badanaya Dadka uu soo ridanayo xanuunka oo markii hore la aaminsanaa inuu ka dabar go’ay Gobollada iyo Degmooyinka Somaliland.

Ma jiro wax war ah oo la xidhiidha in Xanuunku soo laba-kacleeyay oo ka soo baxay Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland ama Hay’adaha kale ee qaabilsan ka hor-tagga Xanuunkan, balse ilo-wareedyo Xog-ogaal ah ayaa Wargeyska Geeska Afrika u sheegay in Goobaha lagu sameeyo Shaybaadhka Xanuunka Covid_19 ay ku soo badanayaan Dadka laga helayaa.
Xogta uu Wargeyska Geeska Afrika helay ayaa sheegaysa in bishii hore marka 100 Qof laga baadho Xanuunka Covid_19 laga helayey 1 Qof ama dhammaantood aan laga helayn, balse bishan October ayaa Xaaladdu isbeddeshay waxaana la sheegay in 100 Qof ee la baadho 10 ka mid ah laga helayo ama in ku dhow, taasi oo muujinaysa khatarta jirtaa inta ay leeg tahay.

Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka Somaliland iyo Guddiga Qaran ee ka hor-tagga Xanuunkaasi ayaa markii ay qaadeen Xayiraadihii lagu soo rogay Dadweynaha, waxay ku taliyeen in Dadku feejignaado isla-markaana aanay deynin isticmaalka Gacmo-gashiga iyo Af-saabka, laakiin Talooyinkaasi Dadka qaatay way yar yihiin.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...