Somaliland: Hogaamiye Xirsi Oo Arrin Lala Yaabo Ku Tilmaamay Madaxweynihii Isaga Laga Filayay Inuu Waxqabtaa Uu U Calaacalo Sidii Qof Aanu Xil Saarnayn

Date:

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan, ayaa wax lala yaabo umadduna aad uga fajacsan tahay ku tilmaamay hannaanka Madaxweynaha Somaliland uga hadlo dhibaatooyinka iyo baahiyaha dalka kajira oo uu marka uu ka hadlayo sidii qof caadi ah oo aan xil saarnayn uga calaacala, halka ay ka ahayd in uu isagu ka sheekeeyo waxa uu qabtay iyo waxa uu ka qaban doono dhibka uu umadda ugala hor calaacalo mararka ay ka hadlayo fagaarayaasha.

Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa sidoo kale waxa uu xukuumadda iyo xisbigeeda KULMIYE dusha u saaray masuuliyadda hannaankii Golaha wakiiladu meesha uga saareen kootadii haweenka iyo beelaha la hayb sooco balse uu haddana dhinaca kale Madaxweynuhu u calaacalo lana qiiroodo haweenka iyo doorkooda ka qayb galka siyaasadda labadaasi arrimood oo aan is qabanayn.

Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan oo ka hadlay xaflad ballaadhan oo habeen hore lagu soo bandhigayey buug qorshaha kaambaynka doorashada golayaasha degaanka ah oo ay soo qaban qaabisay dalladda SONYO, waxa uu yidhi:

Hoggaamiyaha ayaa haddalkiisu u dhignaa sidan:- “Waxaan arkayay qolada KULMIYE oo lahayd ama madaxweynuhu ka hadlayo oo uu u qiiraysan haweenka oo wax laga baddalo. Golaha wakiilladana waxaad ogtihiin in KULMIYE ku leeyahay 60%. Ama aan idhaahdo Lixdan. Lixdankii KULMIYE ayaa diiday kootadii haweenka. Annaga intayadu waa labaataneeyoo, kooramba may buuxinayn. Sidaasoo ay tahayna haddana Xildhibaan Cabdulqaadir Jirde ayaa hogaaminayay oo ka shaqaynayay in kootadii haweenka la ansixiyo oo geed iyo goleba kaga hadlay balse waxa ay ka socon wayday KULMIYE. Haddii ay marna Golaha ka soo celiyaan marna haweenka iyo dhallinyarada la ooyaan sax ma aha. Waxaan leeyahay KULMIYE waar haddaad wax qabanaysaan idinka ayaa joogee wax qabta. In lala ooyaa waxba tari mayso”.

Dhinaca kale Hoggaamiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI Mudane Xirsi Cali Xaaji Xasan ayaa ugu baaqay Xukuumaddu iyo Madaxweynaha in looga baahan yahay wax qabad, balse aan looga baahnay calaacal Qolada maanta joogta xilka waxaan leeyahay waar ha odhanina waxaasaa la doonayaa ee cidda wax laga doonayo in ay qabataa waa xukuumadda. Waxaasaa loo baahan yahayda waxa iska leh xisbiyada mucaaradkee, ha nagu qabsanina hawshayadee ninkii xilka hayay in uu sidayadii ku celceliyo waxaasaa loo baahan yahay waar gar’ ma aha.  Annaga godkayaga ha nagu qabsanina’e, idinka ayaa la idinka rabaa waxqabadka.”Ayuu yidhi Hogaamiye Xirsi Cali Xaaji Xasan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...