Somaliland: Madaxweyne Muuse Biixi Oo La Filayo Inuu Isku Shaandhayn Mug Weyn Ku Sameeyo Xukuumaddiisa Iyo Wasiiro Ka Tirsanaa Xukuumaddii Hore Oo La Sadaalinayo Inay Kusoo Baxaan Liiska

Date:

Madaxweyne Biixi oo markii uu la wareegay xilka Madaxtinimada Somaliland, Dadka Siyaasada faaqidaa dhaliilo xooggan ugu soo jeedin jireen Xukuumaddii uu soo dhisay iyo dhabihii uu ku jiheeyey jaan-qaadka Siyaasadda dalka, ayaa xeel-dheerayaasha Siyaasaddu ku fasireen in aanay ku jaan-go’nayn nidaamka Casriga ah ee Dawlad-wanaaga iyo hannaanka Dimoqraadiyada, iyadoo dhanka kalena lagu tilmaamo in Golihiisa Xukuumadda aanay ku jirin ama ku yar yihiin uu ku yaraaday raggii Waayo-arragga ahaa ee Siyaasada u bislaa,wallow uu Madaxweyne Biixi dhawr jeer isku shaandhayn sameeyey haddana may noqon mid ka duwan xulashadiisii hore ee dhismaha xukuumaddiisa.

Inta badan bulshada reer Somaliland ayaa maalmihii ugu danbeeyay, waxa dheggaha iyo carabkooda kusoo noq-noqonayey hadal-hayno la xidhiidha isku-shaandhayn ay ka filayeen Madaxweyne Biixi inuu ku samayn doono golihiisa Wasiiradda, arrintaas oo marka si guud loo eego runtii ahayd mid mudada iyo ka hor-ba soo taxnayd, balse waxay hadal-haynteedu sii xoogeystay baa la odhan karaa kadib uu soo dhammaaday shir weynihii afraad ee Xisbiga KULMIYE oo toddobaadkii hore lagu soo afmeeray Hargeysa .

Dhanka kalene Xoggo uu hellayo Wargeyska Foore ayaa sheegay inuu Madaxweyne Biixi uu hadda qorshaynayo inuu isku shaandhayn sal-ballaadhan uu ku sameeyo Xukuumaddiisa,taas oo masuuliyiin badan galafan doonta halka qaar kalena lagu samayn doono is baddel,waxaana la filayaa inuu soo celiyo masuuliyiin xilal kasoo qabtay Xukuumaddii hore ee Siilaanyo.

Waxa kale oo ay Xogguhu intaas ku dareen in Madaxweyne Biixi uu isku shaadhayntaa la filayo inuu Xukuumaddiisa ku sameeyo ay tahay mid xeeladaysan oo xirfadaysan, isla markaana ay tahay mid uu ku magacaabayo masuuliyiin xul ah oo xilal kale duwan ka soo qayb-tay Xukuumaddii hore.

Dhanka kalene Madaxweyne Biixi iyo qaar kamid golihiisa Wasiiradda oo Magaalada Boorama labadii maalmood ee ugu dambeeyey ku sugnaa ayaa waxa la socda Wasiirkii hore ee Caafimaadka Saleebaan Xaglatoosiye iyo Wasiirkii hore ee Hawlaha Guud iyo Guriyeynta Cali Mareexaan, kuwaas oo aan xil ka ahayn Xukuumadda Biixi,balse la socodka ay Madaxweynaha la socodnaa wuxuu muujinayaa inuu raali ka yahay,waxaana laga filan karaa inuu isku shaadhaynta uu ku soo dara oo ama uu qorshe kale uu ka leeyahay inay dhiniciisa ka soo muuqdaan

Ma jiro war rasmi ah oo Xukuumadda ka soo baxay, marka laga tago Xoggahaas sheegaya inuu Madaxweyne Biixi uu ku hawlan yahay isku shaandhayn uu ku samayn doono xukuumadiisa,balse waxaynu dhawri doona halka ay ku dambayso isku shaadhayntaas salka balaadhan ee la filayo inuu Madaxweyne Biixi ku sameeyo Xukuumaddiisa.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...