Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Dhiirrigaliyay Dufcaddii Ugu Horraysay Kulliyadda Tababarka Macallimiinta Qaranka Eedo Culusna Usoo Jeediyay Farmaajo

Date:

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi, ayaa shalay ka qaybgalay munaasibad ballaadhan oo ay ku qalin-jabiyeen 400 (Afar boqol) oo macallin oo ah dufcaddii koowaad ee ka  baxda kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka  ee duleedka waqooyi ee caasimadda Hargeysa.

Munaasibadda qalin-jebinta macallimiinta, ayaa waxa madaxweynaha kala qayb-galay madaxda ugu sarraysa wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta, masuuliyiinta gacanta ku haya kulliyadda tababarka macallimiinta qaranka, macallimiinta qalinjabisay iyo marti-sharaf kale oo tiro badan, waxana halkaas laga jeediyey hadallo lagu bogaadinayo bareyaasha cusub ee sida gaarka ah ugu takhasustay tebinta cilmiga, laguna hogo-tusaaleeyey muhiimadda ay macallimiintani qaranka ugu fadhiyaan.

Ugu horrayn agaasimaha guud ee wasaaradda waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Abokor oo madasha ka hadlay, ayaa si hufan uga hadlay muhiimadda kulliyadda Tababarka macallimiinta qaranka iyo tacabka ay wasaarad ahaan geliyeen sidii ay usoo bixi lahaayeen bareyaal  lagu carbiyey tacliin iyo hab-gudbin da’yarta waxbaranaysa loogu talo galay.

Marwo Saamiya Maxamuud Axmed oo ka socotay Gobolka Sool gaar ahaan God-aallo kuna hadlaysay Afka barayaasha maanta qalinjebiyey, ayaa ka sheekaysay dedaalkii ay dhabar-adaygii ay soo muujiyeen muddadii ay waxbarashadu u socotay, waxana ay ballan qaadday tacliinta la baray ay kula noqon doonaan goobihii kala duwanaa ee ay macallimiintu ka kala yimaaddeen.

Hormoodka kulliyada tababarka macallimiinta qaranka, Mudane Axmed Cumar Quule, ayaa si qoto dheer u sharraxay heerarkii kala duwanaa ee ay soo martay kulliyaddu, waxana uu caddeeyey inuu kalsooni badan ku qabo tayada barayaasha qalinjabiyey, islamarkaana ay yihiin kuwo u qalma in jiilasha cusub ee qaranka usoo kacaya lagu aamino.

Wasiirka wasaararadda Waxbarashada iyo Sayniska, Mudane Axmed Maxamed Diiriye, ayaa dhinaciisa ugu horrayn bogaadiyey bareyaasha maanta ka qaliinjabiyey kulliyadda tabobarka macallimiinta qaranka, isaga oo ku dheeraaday muhiimadda uu macallinku leeyahay iyo abaalka aan duugoobi Karin ee ay bulshada ku leeyihiin.

Wasiirku waxa uu sharraxay ujeeddada laga leeyahay bareyaasha la tababarayo iyo nooca macallinka ay wasaarad ahaan doonayaan inuu kulliyadda kasoo baxo, “Tababarkani waxa uu kamid noqon doonaa ruqsadda ama liisanka la siin doono macallimiinta ee lagu doonayo in marka uu dhammaado sannadka  2022-ka inaanu Somaliland wax ka dhigi Karin macallin aan ruqsad haysaninni, waxa ku jirta oo kale inuu xirfadda togan ee wax-dhigista yaqaanno (Teaching methodology),” ayuu yidhi wasiir Axmed Maxamed Diiriye.

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi oo madasha hadallo ka jeediyey, ayaa bogaadin iyo hambalyeyn kaddib guul iyo yool uu qaranku lahaa oo la gaadhay ku tilmaamay inay soo baxaan barayaashii sannado ka hor loo furay kulliyaddu, isaga oo tababarkana ku tilmaamay mid lagu soo saarayo macallimiin xirfad sare leh oo soo saaraya arday dhinac walba ka dhisan.

Madaxweynuhu waxa uu tilmaamay muhiimadda gaarka ah ee ay bahda waxbarashadu qaranka u leedahay iyo sida ay laf-dhabarta ugu yihiin horumar kasta oo la gaadho, “Waxaynu qiraynaa in bahda waxbarashadu yihiin halka dalku ka dhismayo ee mustaqbalkeennu ku jiro, taana waxba ka hagran mayno, wax danteennu reebto mooyaane,” ayuu yidhi madaxweyne Muuse Biixi Cabdi.

Dhinaca kale Madaxweynaha Somaliland waxa uu eedo culus u soo jeediyay Madaxweynaha waddanka Soomaaliya ee aynu jaarka nahay isaga oo ku eedeeyey in aanu waxba ka garanayn is raacii iyo midnimadii hore u dhex martay Somaliland iyo Soomaaliya oo uu Farmaajo habeen hore ka hadlay isaga oo Madaxweyne Biixi ku tilmaamay Farmaajo nin aan Somaliland waxba ka qaadi Karin waxna yeeli Karin.

Ugu dambayntii waxa uu madaxweynuhu shahaadooyin guddoonsiiyey barayaasha ka qalinjebiyey kulliiyadda tababarka macallimiinta qaranku, isaga oo dhinaca kalena dhagax-dhigay dhismeyaal cusub  oo hoy seexasho u noqon doona macallimiinta kulliyadda.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...