Somaliland: Xildhibaano Iyo Muwaadiniin Sida Fiinta Uga Qayliyay Mashruuc Dhaam-Biyood Oo La Musuqay Iyo Hay’adaha Ay Farta Ku Fiiqeen

Date:

Dadka deegaanka Taysa ee Gobolka Gabiley iyo Xildhibaano ayaa sida fiinta uga qeyliyey Mashruuc dhaam biyood oo ay Xukuumadda Somaliland ka hirgelinaysay degaanka Taysa loo yaqaano oo ka tirsan degmada Allaybaday, iyadoo la lunsaday ama la leexsaday lacagtii loo qoondeeyey hirgelintiisa,taas oo uu qadarkeedu ku dhawaa laba boqol oo kun oo dollar ($200,000),waxaana halkaas laga hirgeliyey bali yar oo indho sarcaad, isla markaana la dhigay qarbad jeex-jeexan,waxaana la sheegay in lacagta lagu sameeyey Baligaas indho sarcaadka ah ay tahay keliya shan kun oo dollar

Dadka deegaankaas oo war-baahinta kula hadlay isla goobtaas lagu lunsaday lacagtaas ayaa haddaladoodii ku bilaabay sidan :-“ Ciddii qandaraaska soo qaadatay Biyana horay umay gelin haddana nooma gelayaan weydinkaa arkaya Xildhibaanaddiina iyo masuuliyiintiinan meesha socdaaba,waad arkaysaan inuu balligani yahay waxa uu qoddon karro qof yar oo  ay in yar oo basali u baxda waad arragtaan,meeshana hantiga na loo sheegay in lagu qoddayo waa hanti ku dhaw laba boqol oo kun oo dollar,wixiina waa waxaa aan faa’iidada  lahayn waxna anfacayn aan biyo gelayn ee ay ciiddii dibu ugu noqotay,markaa waxa aanu idinku yeedhnay in aad nala arragtaan .”ayey yidhaah-deen.

Waxaanay intaas ku sii dareen “Hanti Dowladii waxba umay baaqanin shacbigii iyo ummadiina wax-ba looma qabanin ee indhihiina ayaad  ku arragtaan,wax naloo qabta iska daa oo wixii aanu hanti lahayna ilaa islaantii laxooxda dubaysay , tii caanaha iibinaysay iyo tii jaadka yar iibinaysay sidii na loo lahaa lacag ayaa noo soo socota ayaa nalaga dul guuray wax naloo qabto daaye hantidayadii ayaa halkaa ku wada baabaday dhammaantayo oo ay afartan milyan oo shillin ay kaga maqan yihiin meeshaa dadka deegaanka ah ee halkan yaala.”Ayey sheegaan

Dhanka  kalene Qaar kamid ah Xildhibaanada golaha deegaanka ee Magaalada Gabiley oo iyana goobta gaadhay ayaa sheegay in la lunsaday lacagtaas ay Xukuumaddu ugu talogashay in loogu dhiso bulshadaas dhaam biyood weyn oo ay ka cabaan.“Ninka Guddoomiyaha ka ah shirkadda la yidhaah-do Amal  Group oo uu badhasaabku amar ku siiyey in aanu shaqo dambe ka qaban ilaa uu soo maro xafiiska badhasaabka wuxuu caddeeyey in aanu tegayn Xafiiska una imanay Gabileyna aanu imanayn manuu iman ilaa maanta ,waxa weeye hantidii boqol iyo saddex iyo sideetanka kun ee dollar ahayd $183,000 shan kun oo dollar ayaa lagu qodday wartan yar ,dadkii  boqol iyo saddex iyo sideetanka kun ee dollar $183,000 ay Madaxweynaha iyo Dowlada Somaliland iyo wasaaradda iyo Qaranka Somaliland uu u soo diray ,waxay ka cabbaan shan kun oo dollar oo uu nin tamaandho ka beertay ,laba boqol oo kun oo dollar waa laga ooman yahay maanta  .”Ayuu yidhi Xildhibaan Buraale Mawliid oo ka mid ah xildhibaannada Golaha Deegaanka.

Geesta kalene Xildhibaanada ayaa ugu baaqay Wasaaradda Biyaha guddida Qandaraasyada Qaranka iyo Hay’adda Xukuumadda inay wax ka qabtaan arrinkaas, isla markaana ay shirkadii falkaas ku kacday ay tallaabo ka qadaan, waxaanay ugu baqeen shirkadaas falkaas ku gacday ee Amal Group inay si deg deg ah ugu celiso lacagayow ay dayn ahaan uga soo qaadatay dadka deegaankaas “Wasiirka Biyaha, guddida Qandaraasyada Qaranka wax kasta waxa wanaagsan in Qandaraaska la bixiyo dabagal lagu sameeyo oo goobtii wax laga qabanayo dabagelkeeda lagu sameeyo oo cidii qarndaraaska bixisay ay eegto wixii halka ay marayaan,lakiin haddii aanay eegin siddan oo kale ayaa dhacaysa, maanta dhaamkii la qoddayey waakaas waxa weeye meesha ayuunbaa la xaadh-xaadhay ciid iyo baco daloola ,wax alaale wax biyo ah oo ku dhacayaa ma jiraan,waxa ka da’ay bartan roobabkii ugu badnaaa iyadoo roobkii abid ugu weynaa uu ka da’ay ayey haddana maanta ay ka madhan tahay , markaa waxaan leenahay shirkaddii Qandaraaska qaadatay ee Amal Group waa in dabagal lagu sameeyo in lacagaha la iska cunno mahaa dadka masaakiinta ah in wixii loogu tallogalay ay Xukuumaddu ugu soo talagashay ee miisaaniyada loogu tallogalay in laga isticmaalo oo laga cunno maaha,taa waxa ka si darran dadkii masaakiinta ahaa ee wax loo tarayey ayaa wax laga sii dabadayey ,waxaanu leenahay shirkaddii qaadatay Qandaraaska waa in aad usoo celiysaa dadweynihii aad daynta ka qaadatay Lacagtoodii ,maanta wakaas dhaamkii ma booyado ayaa loogu soo dhaaminayaa..”Ayey yidhaah-deen.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...