Somaliland: FARMAAJO Oo Markii Ugu Horreysay Qirtay Inay Dowladdiisa Ka Gaabisay Wadahadallada Somaliland Kadib Markii Ay Baaqdeen Kulamadii Lagu Ballansanaa Dalka Jabuuti.

Date:

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa markii ugu horreysay qirtay inay dowladdiisa ka gaabisay wadahadallada Somaliland kadib markii ay baaqdeen kulamadii lagu ballansanaa dalka Jabuuti.

Tan iyo intii uu madaxweyne Farmaajo xilka hayay, Soomaaliya iyo Somaliland ayaa halmar sannadkaan badhtamihiisa ku kulmay dalka Jabuuti.

“Waxaan qiranayaa in aan ka gaabinay wadahadalada Somaliland,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo oo hadalkaan ka yidhi kulan su’aalo lagu weydiinayay oo ka dhacay xarunta madaxtooyada Muqdisho oo ay shabakadda Somalilandtoday idin soo koobtay.

Madaxweyne Farmaajo wuxuu ku sababeeyay arrintaan, in dowladdiisu ay gashay marxalad doorasho iyo buuq siyaasadeed oo ku kalifay inay hoos u dhigto wada xaajoodka Somaliland inta laga baxayo geeddi socodka doorashada.

“Way iga go’an tahay inaan daacad ka ahaado wadahadalka Somaliland, ma ahan wax doorasho lagu gali karo. Waa masiir Soomaaliyeed,” ayuu yidhi madaxweyne Farmaajo oo sheegay in wada hadaladu ay sii socon doonaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...