Somaliland: “KULMIYE Wuxuu Hayaa Jidkii Burburka, Kulanka Faysal Iyo Boqor Buur Madowna Waa Qabyaaladdii Burco Gacmaha La Isugu Saaray Salaadiinta Oo Kale”

Date:

Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle (Ilameerayso) oo ka mid ah Xisbiga Mucaaridka ah ee WADDANI ayaa eedo culus u soo jeediyay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE sidoo kalena ka hadlay kulan la sheegay in uu waddanka Isu-tagga Imaaraadka Carabta ku dhex maray Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw oo ka mid ah madax dhaqameedka Beesha Bariga Burco.

Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle oo ku caan ah magaca Ila-meerayso ayaa waxa uu Boqor Cismaan Buur Madaw ku eedeeey in kulankaasi ay maanta gacmaha isku saareen Faysal aanu waxba soo kordhinayn oo la mid yahay kulamadii hore ay madax dhaqameedka iyo siyaasiyiintu gacmaha isku saareen oo aan wax wanaag ah cidina ka dheefin, halka uu xisbiga KULMIYE ku tilmaamay xisbi xaaladdiisu xun tahay oo ku taagan tubtii uu ku burburay xisbigii UDUB. Hannaanka Hogaanka xisbigu ula dhaqmayo siyaasi Maxamuud Xaashina tahay wax layaab leh maadaama uu ka mid ahaa aasaasayaasha xisbiga balse wakhtigan lagaga murmay sida uu hadalka u dhigay.

Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle (Ilameerayso) oo warbaahinta kula hadlay Magaalada Hargeysa waxa uu yidhi: “Berigii Maxamed Siyaad Barre yidhi qabyaaladdii baan aasay ayaa haddana la arkay iyadii oo lagu dhaqmayo kadib Abwaankii Cabdi Iidaan Faarax ayaa gabyay oo waxa uu yidhi: “Duqdii oo shakaalkii jartay oo shabaggii hayn waayay. Shaarubo libaax iyo markay shaadh ammaan tolatay. Sharcigii qaban lahaa meel uu jiro sheeg haddaad garato”. Horta dalka qabyaalad ayay xukuumaddan hadda jirtaa dib ugu soo qoday. Marka la eego sida ay xilalka u bixisay. Tani waa igaga muran. Maxamuud Xaashi waa lagaga murmayaa. Maxamuud Xaashi xisbiga wuu ku soo tabcay. Aasaasayaashii xisbiga ayuu ka mid ahaa. Wax alla wax lagaga sheegan karo maanta ma jirto. Madaxweyne ku xigeenkii dhammaa ayaa la yidhi xilkaa hebel ku soo heshiiya. Reer Hebelow xilkaa ku soo heshiiya. Beesha reer Hebeleey Annaga ayaad macsuun noo tihiin. Waxa aad moodaa xisbigii KULMIYE in uu marayo wadadii uu maray xisbigii UDUB”.

Dhinaca kale Mujaahid Cabdi Ibraahim Cabdulle (Ilameerayso) ayaa eedo culus waxa uu u soo jeediyay Xisbiga Muxaafidka ah ee KULMIYE iyo waliba kulankii dalka Imaaraadka ku dhex maray Guddoomiye Faysal Cali Waraabe iyo Boqor Cismaan Aw Maxamuud Buur Madaw waxaanu yidhi: “Arrinta Boqor Buur Madaw Iyo Guddoomiyaha xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe oo gacmaha is qabsaday. Sidii labadii Suldaan ee hore ee Doorashadii hore gacmaha is qabsaday ayaabay iyaguna gacmaha is qabsadeen. Gacmihii Burco la isku saaray Buur Madoowow waad garanaysaa waxa laga dheefay ee aad xadhig iyo xabsi ku gashay imikana tii teedii baad samaynaysaa miyaa. Soodigii shalay markii aad Abu Dabay joogtay lahaa Habar Jeclo waa mid oo meel kali ah ayaanu ka tashanaa”. Ayuu yidhi Mujaahid Ila Meerayso.

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...