Somaliland: Fooq Dhismihiisu Ka Socday Wajaale Oo Ku Dumay Shaqaalihii, Tirada Dadka Ku Geeriyooday Oo Uu Ku Jiro Mulkiilhii Dhisma-haasi Iyo Dadka Ku Dhaawacmay Oo Wargeyska Foore Helay

Date:

Dhisme Fooqa ah oo laga binaynayay badhtamaha suuq ganacsiyeedka Wajaale ee Gobolka Gabiley ayaa si kedis ah u dumay wakhti ay kujireen shaqaale ka badan illaa 15 ruux iyo mulkiilihii Fooqaasi, waxaana ka dhashay khasaare iskugu jira Dhimasho iyo Dhaawacba.

Sida ay Wargeyska Foore ay u sheegeen dad ku sugan Magaalada Wajaale oo ka agdhawaa wakhtiga Fooqani dumay, waxa uu fooqaasi si kedis ah u damay Abaaro Wakhtigii la aqiimay Salaaddii Casar ee Shalay, waxaanna mar qudha isku fadhiistay  qaybo ka mid ah Fooqaasi kaasi oo ku fadhiistay shaqaalihii ka shaqaynayay, taasi oo sababtay in qaar ka mid ah Shaqaalihii oo uu ku jiray Mulkiilihii Fooqaasi oo lagu magacaabi jiray Khadar ay ku geeriyoodaan halka ay dad kalena ku dhaawacmeen kuwaasi qaarkood laga soo hoos saaray Ciida hoosteeda.

Masuuliyiinta Heer Gobol illaa Heer degmo ee Gobolka Gabiley, dad shacab ah iyo Ciidamada kala duwan ee Wajaale ku sugan ayaa si weyn uga qayb qaatay samotabixinta khasaaraha nafeed ee halkaasi ka dhacay, iyagoo mariiba bilaabay inay ciida ka qodaan shaqaalaha ku hoos jiray, waxa kale markiiba la galiyay cagaf fudadaysa Ciida si naf loogu gaadho dadka Shaqaalah Ciida ku hoos jiray, waxaana bilawgiiba la xaqiiyay oo loogu soo hor saaray Alle ha unaxariistee Mulkiilihii Fooqaasi la dhisayay oo isagu ka mid ahaa dadkii ku geeriyooday Masiibadaasi.

Wargeyska Foore oo xalay isku dayay inuu xog dhamaystiran ka helo Khasaaraha Nafeed ee Masiibadaasi ka dhashay ayaa waxa noo suurtagashay inuu helo dhamaan Magacyada Dadkii Ku dhintay iyo kuwii ku dhaawacmay Masiibadaasi Shalay ka dhacday Degmada Wajaale ee Gobolka Gabiley.

Gudoomiyaha Caafimaadka Degmada Wajaale Mustafe Sheekh Abiibakar Xuseen oo aanu la xidhiidhnay xalay isagoo hawlaha gargaarka ku jiray ayaa noo xaqiijiyay Geerida Afar qof oo ku dhintay masiibadaasi kuwaasi uu ka mid ahaa Mulkiilihii Fooqaasi iyo Dhaawaca sideed qof oo dhamaantood ka mid ahaa Shaqaalihii Dhimahaasi ku dumay.

Liiska Magacyada Dadka ku Geeriyooday.

 

1 – Khadar  Muxumed Faarax “Mulkilihii Fooqa dumay”

2 – Mustafe Cali Taani “Hufane”

3 – Maxamed Abshir

4 – Ibraahim Xusen Ciise

Liisk Dadka Ku Dhaawacmay Shilkaasi

1 – Mukhtar Daahir Cabdi

2 -Mixiyadiin Awxasan Muxumed

3 – Abiib Cumar Cali

4 – Isaaq Cabdilaahi Kaahin

5 – Mahdi Cismaan Jibriil

6 – Mawliid Cabdi Cige

6 – Deeq Xuseen Xasan

7- Cabdi Awmuxumed Kaahin

7 – Isaaq Ismaaciil Axmed

8 – Maxamed Cismaan Jibriil

Rabbi ha u naxariisto dhammaan.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...