Somaliland: Somaliland Oo Ka Hadashay Xilka Qaadista Raysal Wasaarihii Hore Ee Soomaaliya Xasan Cali Kheyre

Date:

Xukuumadda Somaliland ayaa ka hadashay Go’aankii Xildhibaanada Soomaaliya ay kalsoonidii kagala noqdeen Raysal Wasaarihii dalka Soomaaliya Xasan Cali Kheyre iyo Xukuumaddiisii.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland Liibaan Yuusuf Gaaxnuug ayaa waxaa uu sheegay in Mas’uuliyad darro weyn ay aheyd tallaabadii ay Xildhibaanada Golaha Shacabka xilka qaadista ugu sameeyeen Xasan Cali Kheyre oo shaqo badan ka qabtay.

Wasiir Gaaxnuug oo la hdlaayay warbaahinta ayaa waxaa uu sheegay Go’aakaas Deg dega ahaa uu adduunka oo dhan iyo Somaliland ku noqday layaab, isla markaana uu ahaa mid ay ka muuqato mas’uuliyad darro.

Sidoo kale Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somaliland ayaa waxaa uu nasiib-darro ku tilmaamay in 30 daqiiqo gudahood ku dhacdo Xukuumadii Federaalka ay Somaliland wada-hadalka kula jirtay.

Waxaa kaloo uu sheegay isaga oo hadalkiisa sii wata Wasiir Liibaan Yuusuf Gaaxnuug in Somaliland ayna wax isbedel ah ku yeelan doonin xilka qaadista Xasan Cali Kheyre, hayeeshee uu Dowladda Somalia ka dhaxayso Somaliland wada-hadallo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...