Chelsea Oo Guul Raaxoleh Ka Soo Gaadhay Bournemouth, Eden Hazard Oo Sii Wata Qaab Ciyaareedkiisa

Chelsea ayaa guul muhiim ah ka soo gaadhay kooxda Bournemouth waxaana guushan ku soo hogaamiyay Eden Hazard iyo Marcos Alonso oo min hal gool dhaliyay iyada oo waliba goolka saddexaad ee Blues oo ahaa furitaanka uu iska dhaliyay Adam Smith. Chelsea ayaa soo ceshatay hogaankii 7 dhibcood ahaa ee ay Premier Leaque-ga ku haysay kadib markii ay Tottenham ka sii dhigtay 4 dhibcood oo kaliya kadib xasuuqii ay White Hart Lane ugu gaysatay Watfrod.

Chelsea ayaa markale ku sii dhawaatay ku guulaysiga koobka Premier Leaque-ga iyada oo kooxda Antonio Conte sii joogtaysay qaab ciyaareedkeeda fiican. Chelsea ayaa 31 kulan oo ay soo ciyaartay ka heshay 75 dhibcood waxaana u hadhsan 7 kulan oo kaliya iyada oo 7 dhibcood hogaanka Premier leaque-ga ku haysa.

SHIXIHII LABADA KOOXOOD EE KULANKAN:

Chelsea (3-4-2-1): Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Matic, Kante, Alonso; Pedro, Hazard; Costa

Kaydka:  Allsop, Cargill, Smith, Ibe, Cook, Gradel, Mousset

Chelsea (3-4-2-1): Courtois; Azpilicueta, Luiz, Cahill; Moses, Matic, Kante, Alonso; Pedro, Hazard; Costa

Kaydka: Begovic, Chalobah, Zouma, Terry, Willian, Fabregas, Batshuayi

Antonio Conte ayaa dib iskula helay shaxdii uu wacdaraha xili ciyaareedkan ku soo dhigay waxaana dib ugu soo laabtay Victor Moses oo labadii kulan ee ugu danbeeyay dhaawac ku seegay taas oo keentay in Fabregas iyo Willian ay kaydka baaqi ku sii noqdaan halka Pedro uu booskiisa ilaashaday.

DAQIIQADII 17 AAD GOOOOOOOOOOOOL!! Chelsea ayaa kooxda Bournemouth ku qasabtay in ay goolka furitaanka iska dhaliso si ay Blues hogaanka ciyaarta ugu hibayso kadib markii uu Adam Smith uu iska dhaliyay goolka kooxdiisa musiibada ku noqday waxaana kubbad uu Moses u soo karoosay Costa shabaqa kooxdiisa ku leexiyay Adam Smith waxayna ciyaartu noqotay 1:0 ay Chelsea hogaanka ciyaarta kula wareegtay.

DAQIIQADII 20 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Eden Hazard ayaa sii wata qaab ciyaareedkiisa cajiibka ah wuxuuna Chelsea saddex daqiiqo kadib goolka furitaanka uu u keenay goolkeeda labaad ee ay dhibaatada kale ugu sii abuurtay kooxda ay martida u ahayd laakiin N’Golo Kanté ayaa kubbad caawin layaableh u sameeyay Hazard ka hor intii aanu xidiga ree Belgium goolkan dhamaystirin waxayna ciyaartu noqotay 2:0 ay Blues hogaaka ciyaarta ku dheeraysatay.

Goolkan ayaa ahaa goolkii 14 aad ee uu xili ciyaareedkan Eden Hazard ka dhaliyay horyaalka Premier Leaque-ga laakiin N’Golo Kanté ayaa sameeyay gool caawintiisii ugu horaysay ee Chelsea ee kulamada Premier leaque-ga waxayna Chelsea u muuqatay mid xili horeba xaalad xun ku abuurtay Bournemouth.

DAQIIQADII 42 AAD GOOOOOOOOOOOOOL!! Bournemouth ayaa heshay goolka ay dib guu soo laabtay ee ay murugada iskaga reebtay waxaana goolkan u dhaliyay xidiga saamaynta layaabka leh la soo baxay ee Joshua King kaas oo goolkan ku dhaiyay kubbad uu caawinteeda sameeyay Benik Afobe waxayna ciyaartu noqotay 2:1 ay Bournemouth ku heshay goolka ay ku aamintay in ay soo laaban karto. Laakiin qaybtii hore ee ciyaarta ayaa isla natiijadan lagu kala nastay.

Markii layskugu soo laabtay qaybtii danbe ee ciyaarta ayay Bournemouth doonaysay in ay hesho goolka barbaraha si ay ciyaarta ugu soo laabto balse Chelsea ayaa dagaal wayn ugu jirtay in ciyaarta disho oo ay la timaado ugu yaraan goolka kalsoonida ee saddexaad si ay u soo ceshato hogaankii labada gool ahaa.

DAQIIQADII 68 AAD GOOOOOOOOOOOL!! Marcos Alonso ayaa kooxdiisa u dhaliyay gool cajiib ah oo uu waliba ku dhaliyay kubbad laaga xorta ah oo uu ka soo tuuray meel ka baxsanayd xerada ganaaxa Bournemouth halkaas oo uu Cook qalad ugu galay Costa, wxuuuna Marcos Alonso dhaliyay goolka ay Blues markale hogaanka ciyaarta ku dheeraysatay wuxuuna iyaarta ka dhigay 3:1.

Goolkan uu dhaliyay Marcos Alonso ayaa ahaa goolkiisii shanaad ee uu xili ciyaareedkan ka dhaliyay horyaalka premier leaque-ga waana difaaca saddexaad ee goolasha ugu badan dhaliyay iyada oo ay ka horeeyaan James Milner oo Liverpool u soo dhaliyay 7 gool iyo  McAuley oo 6 gool soo dhaliyay.

Ugu danbayn ciyaarta ayaa ku dhamaatay 3:1 ay Chelsea ku soo dubtay kooxda ay martida u ahayd ee Bournemouth si ay dib ugu soo ceshato 7 dhibcood ee ay hogaanka premier Leaque-ga ku haysay oo 4 dhibcood ay Tottenham ku soo yaraysay ka hor intii ayna kulankan ciyaarin. Markale kooxda Antonio Conte ayaa talaabo kale sare ugu qaaday hanashada koobka Premier leaque-ga.

Comments

comments