Somaliland: Jiif Caaqilka Guud Ee Beesha Muuse Abokor Oo Madaxweyne Muuse Biixi Ugu Goodiyay Dagaal, Wasiir Maxamed Kaahina Ku Sheegay Ninaan Kalsooni Ka Haysan Beesha Uu Ka Soo Jeedo

Date:

“Madaxweyne Muusoow Haddii Aad U Badheedhayso Deegaankan Waxa Kaasoo Horreeyaa Waa Rag, Mushkiladda Ku Haysataana Waa Maxamed Kaahin Oo Aannaan Marnaba Ogolayn Beel Ahaan” Chief Caaqil Maxamuud Cali

Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo ah Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Muuse Abokor (Habar Jeclo) ayaa dhaliilo culus waxa uu dusha u saaray Madaxweynaha Somaliland Md. Muuse Biixi Cabdi oo uu ku eedeeyey in aanu nabadaynta Beelaha walaalaha ah ee Gobolka Sanaag daacad ka ahayn isaga oo dhinaca kalena sheegay in ay aad uga soo hor jeedaan deegaan ahaan Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland Md. Maxamed Kaahin Axmed oo uu ku tilmaamay shakhsi aan deegaankaasi laga jeclayn oo aanay raallo ka ahayn halka uu Madaxweynaha ugu baaqay in haddii uu baddali waayo siyaasadda ka dhanka ah sida uu hadalka u dhigay deegaankooda ay ka tashan doonaan.

Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo shalay ka mid ahaa odayaal deegaanka ka tirsan oo shir jaraa’id ku qabtay Magaalada Burco waxa uu eedo u jeediyey Madaxweynaha iyo Wasiirkiisa Daakhiliga halka uu ugu baaqay beelaha walaalaha ah ee dirirtu ku dhex maryau deegaanka Fadhigaab in ay walaalo noqdaan oo nabadda qaataan isaga oo Guddidii Beelaha Habar Jeclo iyo Garxajis ugu baaqay in ay qaataan Masuuliyadda nabadaynta beelahaasi ku dirirsan Sanaag.

Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud oo arrimahaasi ka hadlayaa waxa uu yidhi: “Halkan waxa isugu yimid Beesha Muuse Abokor. Anigu waxaan ahay Jiif Caaqilka Guud ee Beesha Muuse Abokor waxaanan xubin ka ahay Guddidii Gar-adag ee Beelaha Habar Jeclo. Mudane Madaxweyne horta in aad wax waddo aniga waa la ii sheegay. Waanan kaa arkayaa oo waxaad daawatay Cajalado aan lagaa soo edit garayn oo waxa ay ku yidhaahdaan waa Kacaan diid. Dadkaa halkaa ka hadlayaa ee Cabanayaa waa dadkii rasmiga ahaa ee waddankana wax ugu filnaa waxna yeeli karayay. Mudane Madaxweyne waxaan kuu sheegayaa halkaa deegaankaa Fadhigaab wax aka dhacday mashaqo. Labada beelood ee ku dirirsanba waxaannu ugu baaqaynaa nabad-galyo. Waxaanu leenahay waar walaalo ayaad tihiine gacmaha is qabsada. Beelihii Burco ku shiray waxaanu leenahay Guddidii ha hawl gasho. Dawladda waxaan leeyahay dawladeey ciidan fara badan iyo Tikniko ayaad soo kaxaysay Fadhigaab baad keentay oo aan qaadiba karayn laba Tikniko ah. Madaxweyne haddii farriin qaldan laguu keenana wax sax haddii aad waxan u badheedhaysana waxan aad ku socotaa waa rag. Madaxweynahayagii baad taay waanu ku ixtiraamaynaa sharaf baanu kuu haynaa. Dhibta ugu weyn ee ku haysataa waxa weeyi Maxamed Kaahin Axmed. Haddii aad rumaysan lahayd iyo haddii aanad rumaysateenba waa Maxamed dhibka ugu weyn eek u haystaa. Maxamed Kaahin raalli kama nihin. Reerkaa la yidhaa Axmed Faarax annaga ayaa xadhig u ah oo qabana. Sacad Yoonis iyo Biciide waxaanu leenahay waar tolow nabadgalyo iyo wanaag wax innoo dhaammaa ma jirtee aan wanaag ka wada shaqayno oo aan nabad qaadano. Walaalo noqda oo gacmaha is qabsada”. Ayuu hadalkiisa ku soo kooban Jiif Caaqil Maxamuud Cali Maxamuud.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...