Somaliland: Qiso Xanuun Badan Oo Ka Dhacday Cisbitaalka Weyn Ee Magaalada Hargeysa.

Date:

Gabadh ku nool magaalada Hargeysa oo lagu magacaabo Hani Asad Daahir ayaa ka warrantay qiso xanuun iyo naxdin badan oo ay kala kulantay dhakhtarka weyn ee magaalada Hargeysa.

Hani Asad Daahir waxa ay tidhi sidan tan:

“Magacaygu waa Hani Asad Daahir, dhawaan ayaan isku arkay caalamadaha #Covid19, waxaan isku arkay Qufac, xumad iyo neef-qabatoow, saa’id ah, waxaan la xidhiidhay telefoonka Heeganka waana layga qaban waayey. Kadib wiil ayaa i caawiyey oo usoo sheegay wuxuu igu yidhi dawooyin baan message kuugu soo dirayaaye isticmaal, haddaad ku ladnaan waydo igu soo celi, dawooyinkii baa laysoo iibiyay, waan ku ladnaan waayay, naqaskii baa aad ii qabtay, kadibna telefoonkii ayaan dib u garaacanay maqribkii ilaa dhawr jeer markii nalaga qaban waayay anna naqaskii i qabtay, ayay xaafaddu go’aan satay in lay qaado oo dhakhtarka lay geeyo, anakoo dhexda ku sii jirna ayaa telefoonkii nalaga qabtay, waxaana naloo sheegay in Dhakhtarka Wayn (Hargeisa Group Hospital) lay keeno, kadibna dhakhtarkiibaan sidaa ku tagay, qaybta Emergency-ga, markii aan galnay ma jirin adeeg caafimaad oo degdeg ah oo lay fidiyay, waxaana laysoo dhaweeyay qaybta Emergency-ga oo ay joogaan dad xanuuno kala duwan qaba, halkii ay ahayd in goob gaar ah laygu eego, waxoogaa markaan goobtii fadhiyay ee sariir bannaan lay waayay, ayaan wiil dhakhtarka ka shaqeeya oo ay xaafaddayada macaariif yihiin ii shaqeeyay iina gudbiyay Qololka Danbe ee Dhakhtarka (Qaybta Payment-ka).

Halkii ayaa lay dhigay, walaashay oo ila socotay ayaa la yidhi iyada ayaa ku haynaysa, waxaana laygu rakibay Oxygen.

Walaashay lama siin wax ka hortag ah oo qalab ah maadaama ay iyadu i haynayso, xitaa Mask iyo Golf’s ha u yaraadaane, Anigayga Bukaanka ah xattaa layma siin.

Walaashay Nimco Asad, waxay suuqa nooga doontay Mask iyo Golf’s oo halkii mask qiimo ahaan yahay wax ku dhaw $1.

Ma jirin gargaar lay qabtay, xumaddii oo iga yara dejiyey mooyee qufaacii iyo neefqabatoowgii wali waan dareemayay.

Xalay gabadhii neerasta ahayd waxay Ilawday inay isiiso dawadii aan qaadanayey Walaashay ayaa dhawr jeer xafiiska tagtay waanay weydey

Ana waxaan dareemayey xanuun Saacad iyo badh kabacdi waxay isiisay Nimco Dawadii

Oo ay igasiisay kaanoolihii aan xidhnaa

Markii aan dawadii qaatay saacad kabacdi ayey iitimi oo gabadhii Nurse-ta ahayd i weydiisay dawadii waanan u sheegay in aanu weynay dhamaantood oo qaadanay dawadii.

Shift C gii ayey soo galeen qoladii kale

Wuu isoo maray kadib wuxuu idhahay

Dawo ayaan kuu qorayaa haye ayaan dhahnay

Xafiiskiisii ayuu ku noqday waanuu ilaabay inuu iikeeno dawadii isna oo sidii ayuu saaka waagu ku baryey.

Meesha ma joogaan Cid nadaafada ka shaqeysaa, waxaanu xaafada ka dalbanay Masaxaad iyo baaldi iyo iskoobe aanu iskaga nadiifino.

Saaka subaxnimaddii ayaan Wiil kamid ah Nurse-ta meesha ka shaqaynayay walaalo ka codsatay in uu Sariirta ii hagaajiyo, Cay iyo Aflagaado ayuu ugu jawaabay , Aniga ayà u kacay oo soo xareeyey nimco

Waliba iyada oo ooyeysa, oo ka ooyeysa Xaalka meesha iyo daryeel la’aanta waliba Kibirku la socdo

Waxaanan u sheegay in Innaku aynu ubaahanahay oo aan iskaga dul qaadano inta uu Xaalkaygu dhinac uun u dhacayo oo soo baxayso jawaabtu

Ayuu Si Cad noo dhahay naa Baxa oo na dhaafa.

Ugu danbayn.

Markii aan waayay adeeg caafimaad oo lay qabtay aan ka ahayn Oxygen-taas, markii aan waayay Qalab aniga lay siiyo oo aan isku ilaaliyo, ama walaashay oo i haynaysay la siiyo, markii Nurse-ta meesha joogtaa si fiican noola dhaqmi wayday, ee cay iyo afladaago lay raaciyay, dhakhtarkii waan iskaga soo baxay, hadda qolkaygii ayaan Alle ku sugayaa.

Waxaa layga qaaday baadhis, shalay oo ay taariikhdu ahayd 6-May-2020, wali waan sugayaa jawaabtayda.

Isoo duceeya walaalayaal. Ilaahay ayuunbaa inoo maqan”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...