Somaliland: Gudida Dhexdhexaadinta Iyo Labada Xisbi Mucaarad Oo Ka Hadlay Kulanka Ay La Yeesheen Daneeyayaasha Somaliland

Date:

Wafti balaadhan oo ka socday dalalka arimaha doorashooyinka ka taageera Somaliland ee midawga Yururb,IGAD iyo Qaramada midoobay ayaa soo gaadhay Hargeysa kulana la qaatay gudidii dhexdhexaadinta xukuumada iyo mucaaradka iyo xisbiyada mucaaradka ah ee dalka.

Gudida dhexdhexaadinta ee go’aamada soo saaray ayaa sheegay in saaxiibada Somaliland ay uga mahadnaqeen go’aanada lagu wada qancay ee ay soo saareen, waxaanay saraakiil u hadlay xisbiyada Waddani iyo Ucid-na ay dhankooda ay sheegeen inay u cadeeyeen in ay qaateen go’aanka gudida dhexdhexaadinta.

Ugu horayntii  Maxamed Axmed Faarax ( Food ) Guddoomiyaha gudida dhexdhexaadinta oo Maansoor kula hadlay warbaahinta kulanka oo halkas ka qabsoomay kadib waxa uu yidhi“ Waxa ay noogu yimaadeen si ay noola kulmaan  waxaanay la kulmayaan xukuumada iyo labada xisbi, waxaanu ka wadahadalnay mahadnaq ay noo mahadnaqeen hawshii aanu ku jirnay ee dhexdhexaadinta  inay jecelyihiin in Somaliland ay nabadgalyo ku waarto. Waxaanu aad iyo aad ugu mahadnaqaynaa dawlada madaxweynaha  xisbiga Kulmiye iyo xisbiga Waddani madaxdiisa, xisbiga Ucid sidii wanaagsanayd ee ay noo qaabileen  mudadaas 26 casho ah ee aan ku jirnay  hawshaas, waxaanu aad uga mahdnaynaa  go’aamadii aan soo jeedinay, danta dalka ayaa wax walba ka weyn danta dalka ayaanu intaas u joognay ragaasna nin waliba waxa uu ka yimi shaqadiisii waxaanay iga tahay mahadnaq uun.”

Masuul ku hadlay afka xisbiga mucaaradka ah ee Ucid Cabdiqani Ibraahin Salaf waxa uu sheegay waxa ay ka wada hadleen waftiga “ Maanta waxaanu halkan kula kulanay saaxiibadii Somaliland ka taageeri jiray nidaamka dimuqraadiyada  ee ina barbar taagnaa  oo inoo yimi wakhti iyaga ku culus oo ah wakhtiyada ay fasaxa galaan si ay Somaliland uga caawiyaan dimquraadiyadii ay awalba inala garab taagnaayeen, waanuna uga mahadnaqaynaa sida ay dalkayaga u garab taagan yihiin, waan la kulanay oo waxaanu kala qaadnay war  arintuna waxa  ku eegtahay soojeedintii ay soo jeediyeen gudida dhexdhexaadintu  oo aan aqbalnay hadaanu nahay xisbiyad mucaaradka ah.”

Xildhibaan Xuseen Axmed Caydiid oo ka mid ah hoggaanka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani ayaa dhankiisa sheegay “ Waxaanu hada ka soo baxnay shir  aanu la kulanay safiiro  tiro badan oo ka socda dawladaha Yurub iyo ururka midawga Yuruba  iyo ururka IGAD, Qaramada midoobay intaasba waa ay isugu jireen, runtii waa dawladihii  iyo haayadii caalamiga ahaa ee inagala shaqaynaayay  geedi socodka dimuqraadiyada mar kasta oo ay arimaheena ku yimaadaan xoogaa si qabad ahna waa ay inoo soo gurmadaan waa ay inoo iman jireen  socdaalkooduna hada waxa uu la xidhiidhaa arimaha doorashada  ee dib u dhacay iyo khilaafyadan soo noqnoqday ee ama Komishanka la xidhiidha ama mudo kordhintii golaha guurtidu ay sameeyeen ee labada sanadod ahayd oo aanay jeclaysan, labadan xisbi waxay u cadeeyeen go’aankii ay shalay wada jirka u sheegeen ee ahaa inay qaateen go’aankii ay soo jeediyeen gudida dhexdhexaadinta.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...