Ergayga Midowga Yurub Ee Geeska Afrika Oo Ka Hadlay Somaliland Iyo Talada Uu U Soo Jeediyay

Date:

Ergayga Midowga Yurub ee gobalka Geeska Afrika Mr. Alex Rondos, ayaa ka hadlay Somaliland iyo sida ay ugu guulaysan karto halgankeeda.

Danjire Alex oo toddobaadkan hadal ka jeediyay xarunta Wilson Center ee dalka Maraykanka, ayaa waxa su’aal ku saabsan Somaliland weydiiyay wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Maraykanka danjire Bashiir Good, waxaanu ergayga Midowga Yurub oo ka jawaabaya su’aasha wakiilka Somaliland uu yidhi “Somaliland waxaay joogtaa taariikh ahaan meel xiiso badan. Tani waa gobol dhif ka ah Afrika oo soo maray awood isku bedel sharci ah. Adiga oo Somalilad metelaa na waxaad dabcan jeclaan lahayd in mar saddexad ay saasi dhacdo. Xaqiiqdu hadda waxay tahay, anigu ma gelayo in la ictiraafo iyo in kale, taasi waxaay u taal deriskiina, dadkiina, Somaliya lafteeda, Midawga Afrika iyo kuwa kale, balse waxa aan shaki ku jirin in mudo dheer oo ay Somaliland awood u yeelato  inay sii muujiso inay ilaalinayso xasiloonida, way caawinaysaa hadii Somaliland ay muujiso inay awood u leedahay inay samayso is bedel siyaasadeed oo nabad ah oo lo marayo geedi socod doorasho, waxaana fiican inay sidaas ku adkaysato sababta oo ah waxa muuqata inay hada yara bariiqatay halkaasi.”

Ergayga oo hadalkiisa sii wataa wuxuu yidhi “Waxa ila tahay waqtiga ayaa kala cadayn  doona waxan sheegayo, waxaan se soo jeedinayaa waxaay tahay in Somalilanders ku, iyada oo aan waxba loo dhimayn hiigisigiina, waa inaad si taxadar ah ula socotaan waxa ka dhacaya gobolka oo dhan. Ma ka jiraa gobolka qaab balaadhan oo Somaliland ku raadin karto hiigsigeeda si aan koobnayn oo gaar ahayn balse buuxinaysa sida guud ee gobolku u dhisan yahay, sababta oo ah waa halkaas meesha xaqiiq ahaan mustaqbalku ku jiro, maaha oo keliya Somaliya, balse dhamaan deriska Somaliland oo dhan. Waxaynu u baahanahay inayu u fekerno si ka baxsan sida caadiga ah.”

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...