Somaliland: Suldaan Maxamed Oo Farriin Jawaab Ah U Celiyay Boqor Buurmadoow

Date:

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, ayaa ka hadlay khilaafka siyaasadeed ee taagan ee salka ku haya Komishanka ee u dhexeeya Xukuumadda iyo Xisbiyada Mucaaradka.

Suldaanka guud ee Somaliland Suldaan Maxamed Cabdiqaadir, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale jawaab ka bixiyey hadal dhawaan ka soo yeedhay Boqor Buurmadaw, waxaanu ugu baaqay inuu ka dheerado Siyaasada, iyo in aanu kala jeclaysan Beelaha, isla markaana aan la adeegsan, waxaanu ugu horeyn hadalkiisa ku bilaabay “Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay umaddani sharci bay ku joogta, shuruucda Dastuurka ku qoran haddii la burburiyo dhibaato ayaa ka dhalan karta, ee Dawladda iyo Axsaabtaba waxaan leeyahay shuruucda ha noo ilaaliyaan oo Shacbiga danahooda ha noo ilaaliyaan, oo Sharciga ha ku kala baxaan”

Mar uu ka hadlaayey sida uu  u arko hadalkii Boqor Buurmadaw wuxuu yidhi “Boqor Buurmadaw arin siyaasi ma gali karo, kama hadli karo, qofkuna wuxuu u baahan yahay inuu shuruucda dalka yaala wax ka akhriyo, laakiin nimaan shuruucda waxba ka garanayn, oo dhegtuun wax ka maqla, waa dhibaato inuu wax walba ka hadlo, Boqorkana waxaan leeyahay, Boqoroow umaddaadii weeye dadka meesha lagu rifayaa ee yaan lagu adeegsan, oo qolo kale ku adeegsan, hana kala jeclaysan Beelaha, oo qof kasta oo Somali ah Boqor baad u tahay, Boqortinimaduna wax la ilaaliyo weeye, laakiin haddii aad dadka kala dhaweeysato dhibaatadeeda ayey leedahay”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...