Somaliland: Madaxweyne Biixi Oo Magacaabay Taliyaha Booliska

Warar soo baxay ayaa sheegaya in taliyaha guud ee ciidamada booliska Somaliland loo magacaabay Jeneraal Maxamed Aadan Dabagale laakiin, Sayruuqnews ma xaqiijin karto maaddaama aanay arag warqadda magacaabidda,

Gaashaanle Xaamud M. Diiriye oo ka tirsan saraakiisha waaxda tababarka ee Ciidanka Qaranka Somaliland ayaa bartiisa Facebook ku sheegay in loo magacaabay taliyaha cusub Jen Dabagale oo ka mid ahaa saraakiisha Militariga.

Qoraalkiisa ayaa u dhigna sidan”Waxa hadda loo magacaabayTaliyaha Ciidanka Bilayska JSL. Gen Maxamed Aaden Saqadhi(Dabagale).waxa uu ka mid ahaa saraakiishii SNM.waxa uu sidoo kale wax ku soo bartay Ethiopia oo uu ku bartay Cilmiga Ciidanka isaga oo qalin jabiyay laba jeer oo kala ahaa 2004 iyo 2011.waxa uu heerka Aqoonta ka gaadhay ilaa Staff College(Abaanduulka Sare.)))
Congratulations congratulation,.

Sida oo kale guddoomiyaha hayadda shaqaalaha ayaa bogaadiyay taliyaha cusub

Comments

comments