Somaliland: Siyaasiga Cabdillaahi-Jawaan Oo Ka Hadlay Khilaafka Guddiga Doorashada Ka Taagan

Date:

Guddoomiyihii ugu horeeyey ee Komishanka Doorashooyinka ee ugu horeeyey ee dalku yeesho Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), ayaa ka hadlay khilaafka ka taagan xubnaha uu Madaxweynuhu magacaabay Komishanka ee keenay inay Xisbiyada Mucaaradku diidaan.

Siyaasi  Cabdilaahi Cabdi Xaaji Cumar (Cabdilaahi Jawaan), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn yidhi “Barlamaanku todobada xubnoodba wey eegayaan, oo qofkii shuruudaha buuxin waaya wey reebayaan, haddii ay noqadaan Cabdirashiid Riyo-raac iyo Gabadha iyo xubnaha kaleba cidii shuruudaha laga rabo buuxin weyda waa la reebayaa, shuruuduhu wey qoran yihiin oo waxaa dhigaya Xeerka Doorashada, waxaanu Xeerku dhigayaa inuu qofku markaas hayn xil dawladeed, Wasiir, Agaasime, Maamul, Maxkamad iyo xil qaran oo kaleba, wakhtigaas la joogana in aanu Xisbi xil ka hayn, laakiin xilka uu hayn jiray ee wakhti hore ahaa looma xisaabinayo, waxaana arintan ku shaqo leh Guddida Barlamaanka, gaar ahaan Guddida Arrimaha Guddaha ee Barlamaanka ayaa eegaya, todobada xubnood, ninka uu markaas Sharcigu u diidayo halkaas ayaa laga reebaya, ilayn sharci baa lagu dhaqmaaye, kii shuruudaha buuxiyeyna waxay u soo gudbinayaan

“Golaha, waxayna odhanayaan shuruudaha waxa buuxiyey hebel iyo hebel ee cod ha loo qaado, hebel iyo hebelkaasina shuruudaha wey buuxin waayeen oo waanu reebnay”. sababtaas iyo sababtaasna uu ku buuxin waayey, markay soo caddeeyaana waa loo codeeynayaa, sharciga ayaa la raacaya ee qof waliba wuxuu doonayo lama raacayo, ta Madaxweynaha lama raacayo, ta Xisbiyada Mucaaradka ahna lama raacayo ee waxaa la raacaya oo la eegaya Sharciga dalka u yaala, wuxuu sharcigu sheegayana in la raaco ayaa muhiim ah, waxa suuqa laga leeyahay lama dhegaysanayo ee ta Barlamaanka ayaa la raacaya, haddii lagu qanci waayana Maxkamad ayaa markaas la tagi karaa”.

Mar uu ka hadlaayey go’aanka Madaxweynaha ayaa yidhi “Qofka waa la eedayn karaa waxba laga sheegi karaa,  wixii xajiin iyo muran keenaya in laga fogaado oo Madaxweynaha iyo Mucaaradkuba iska ilaaliyaan ayaa haboon, Barlaamanku waa niman la doortay, oo dalka iyo dadkaba u dhaartay ee inay si daacadnimo leh hawshan u galaan ayaa laga doonaya, iyaga ayeyna ku xidhan tahay, oo la eegaya siday hawshan u galaan”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...