Somaliland: Somaliland Oo Beesha Caalamka Ka Dalbatay Inaan Daynta Laga Cafiyin Farmaajo, Kana Digtay In Hub La Siiyo

Date:

Maxamed Muuse Diiriye wasiirka warfaafinta Somaliland ayaa beesha caalamka iyo Midawga Afrikaba ugu baaqay in aanay hub siin xukuumada Soomaaliay ee Madaxweyne Farmaajo oo uu ku tilmaamay inay dagaal galinayso guud ahaan gobalkan Geeska Afrika.

Waxa uu wasiirku sida oo kale beesha caalamka ka codsaday in aanay daynta laga dhaafin xukuumada Farmaajo si aanay u helin dhaqaale ay ku burburiso maamul gobaleedyada Somaliya, ayna ku qasto siyaasada Geeska Afrika, waxaanu isaga oo xafiiskiisa ku hadlaayay wasiirku uu hadalkiisa ku bilaabay “Waxaan ogsoonahay in baryahanba dawlada Farmaajo ee fila Somaliya fadhidaa ay isku dayaysay in hub lasiiyo oo waliba ay waydiisatay dalalka Eratariya iyo Turkiga horena ay u soo siiyeen dalal aanan halkan magacayadooda ka  sheegayn. ,IGAD iyo dalalka Afrikaba ha ogaadaan inuu hubku mabnuuc ka yahay Somaliya waxii laysku odhan jiray in hub loo soo daayo,ha ogsoonaadaan hubkaas haddii loo soo daayo in Somaliland iyo Geeska Afrikaba uu hubkaasi khatar ku yahay iyo dhibaato aan loo joogin, waxaan leeyahay aduun weynuhu ha ka digtoonaadan, haddii ay isaga u sii daayaana anagana ha noo soo daayaan.”

Waxa uu wasiirku ka hadlay daynta dawlada Farmaajo ay dalbatay in laga daayo Somaliya“ Qodobka labaad waxa uu isku dayayaa oo kale oo aynu ogayn ayaamahanba inuu la meeraysanaayay aduunka hanalaga saamaxo dayntii adeerkii galay, Dawladii Maxamed Siyaad Bare ee aynu inaguna xiligaas kamidka ahayn waxaan leeyahay hadii dayntaas laga saamaxo marka laga saamaxo waxa uu isku dayayaa inuu aduunka dhaqaale ku waydiisto oo uu dayn ku qaato,  maanta oo ay beesha caalamku wax yar u tuur tuurto ayaa intii la siinayay waxa uu kaga samaynaayo maamul gobaleedyada iyo culayska uu saarayo aynu ognahay,haduu dhaqaalahaas helo waxa uu isku dayayaa inuu khal khal siyaasadeed galiyo gobalka oo dhan.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...