Somaliland: “KULMIYE Wakhtigii Uu Mucaaridka Aha Wuu Ka Xanaaqi Jiray ‘ Nabadda ilaaliya…” Xildhibaan Waabeeyo

Date:

Xildhibaan Maxamed Yuusuf Waabeeye oo ka mid ah mudanayaasha golaha wakiilada somaliland ayaa ka hadlay heshiiska nabada ee ay wada gaadheen madaxweynaha somaliland iyo madax dhaqameedka beelaha Garxajis.

Xildhibaan Waabeeye oo ka hadlayey munaasibad lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa sheegay in mucaarid ahaan ay soo dhawaynayaan nabad galyada “Nabad galyada waan soo dhawaynaynaa waanan raacsanahay waana waxa qaranku ku hagaago ee wax lagu noqdo, midna ku darsada oo mucaaridku kama xanaaqo nabad galyada oo anagu waanu jecelnahay, dhulkeena nimcaa fadhidana kama xanaaqno, barigii aanu Kulmiye ahayn ee aanu mucaaridka ahayn dawladii Udub ismabay luri jirin ee waxay odhan jirtay nabad galyada hala ilaaliyo yaad sheegaysaan ayaanu odhan jirnay imikana sidii hanoola baranina Kulmiyow ee nabada waanu ogolnahay.”

Sidoo kale waxa uu baaq u diray beelaha hadyo jeer dagaalku ku dhexmaro degmada Ceel Afweyn ee gobolka Sanaag waxaanu yidhi “Dadka Ceel Afweyn ee walaaladeen ah ee isku idlaaday waxaynu ugu baaqaynaa inay soo afgodo, arinkaas maantana dhacayna muhiimadiisa ayuu lahaa waanan soo dhawaynaynaa waayo waxa la yidhaahdaa hal sano oo dagaal ah waxa uu dib u ridaa sodon sanadood markaa tobankii sanadood ee ay SNM dagaalka ku jirtay 300 oo sanadood ayeynu ka hadhnay wadamadii aynu ka horaynay markaa sanad iyo bil toona dagaal uma baahnin, dadkaas wada dhashayna warar wanaagsan ayaa laga soo sheegayaa waxaan leenahay halkasa ka sii wada.”

Ugu dambayn xildhibaan Waabeeye ayaa ka hadlay qiimaha ay nabad galyadu leedahay “Anagu nabad galyo ayaanu wax ku leenahay Muuse Biixina waa madaxweyne oo bari waxa uu noqon doonaa qof caadiya markaa taas ayaanu doonaynaa inaanu xukuno iyada oo nabad galyo ah, bari dhawayd Shaah ayaanu ku wada cabnay Daahir Rayaal hotel Hargeysa ku yaala waxaanan ku idhi madaxweyne qiimaha uu leeyahay shaahaas aynu wada cabaynaa qayb weyn ayaad ka leedahay, madaxweyne halkaas shaah iskaga cabaya oo aan ciidan ilaalinayn, Axmed Siilaanyana waa sidaas oo kale Muuse Biixina sidaas ayaa laga doonayaa, markaa taas waa la wada ilaashanayaa mucaarid iyo muxaafid waayo nabad galyada ayey dani ku jirtaa.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...