Somaliland: “Dhib Kasta Oo Jirta Xukuumaddu Ha Ku Dedaasho Inay Xal Ku Soo Dabaasho”

Date:

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud, oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Wakiilada, ayaa ka hadlay xaalada siyaasadeed ee uu dalku marayo, waxaanu sheegay inuu kalsooni ka qabo xalinta dhibaatooyinka ka taagan Gobolka Sanaag.

Xildhibaan Cabdiqaadir Jaamac Xaamud oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay arinta Jabuuti, waxaanu ugu horeyn yidhi “Waxa walba wey dhacaan, wax walba oo dhacana xal iyo qaab loo galo oo loo dhammeeyo  ayey leeyihiin, waxaana aad iyo aad ugu faraxsan nahay oo aan u soo dhaweeynayaa qaabka uu Madaxweynuhu uga hadlay arimaha ka taagan Gobolka Sanaag, waxaana ku kalsoon nahay boqolkiiba boqol in arimaha halkaas ka taagan la xalin doono, oo dhib dambe aanu ka dhici doonin,waxaana ku rajo weyn nahay in sida ugu dhakhsaha badan loo soo af jari doono dhibaatooyinka ka taagan Gobolka

Sanaag,Xukuumadduna dadaal dheer ha ka muujiso, si aanay dhib dambe uga dhicin Gobolka Sanaag,  dhib kasta oo jirana Xukuumaddu ha ku dadaasho inay xal ku soo dabaasho, dariiqa ugu haboona u marto, Madaxweynuhuna qaabka uu u qaabilay Odayaasha iyo cafiska uu u fidiyey Ciidamada Caare aad baan ugaga mahadnaqayaa”.

Mar uu ka hadlaayey arinta Jabuuti ayaa yidhi “Dalka Jabuuti,siyaabo kala duwan baa wax looga sheegay, waxaana laga dhigay inuu yahay dal inoo cadaw ah, oo horumarkeena aan ogolayn, aqoonsi caalamiyana inaynu helno  aan raali ka ahayn, waxaasina waa wax kama jiraan weeye, anigu fikiraygana waxaan leeyahay yaan la iska dhaadhicin fikir khaldan, oo been abuur ah, ee Jabuuti waa dal aynu wax badan inaga dhexeeyo, oo aan horumarkeena ka soo horjeedin, aqoonsi inaynu helnana aan lid ku ahayn, ta kale Xildhibaan Nacnac oo ah Xildhibaan aanu isku Gole nahay, ahna nin oday ah qaabkan inuu u hadlo may ahayn”.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...