Somalia: NUSOJ iyo SIMHA oo ugu baaqay Beesha Caalamka in Tallaabo adag laga qaado Qas-wadayaasha Warbaahinta Somalia.

Date:

War-qoraal ah oo ay  si wadajir ah u soo saareen Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed (SIMHA) oo ay ku mideysan yihiin in ka badan 20-Saldhig Warbaahin oo ku yaalla gudaha Somalia, waxay ka digeen Khataraha iyo carqaladeynta ay Shaqsiyaad sheeganayo Suxufiyiinta ku hayaan Deganaanshaha iyo Suncadda Saxaafadda Somalia.

Qoraalka ay soo wada saareen NUSOJ iyo SIMHA ayaa lagu muujiyey inay ka  walaacsan yihiin Falalka ay Shaqsiyaadka Omar Faaruuq Osman Elmi iyo  Daahir Cabdulle Calasow oo ah Milkiilaha Waagacusub.com ee ay sida joogtada ay aflagaadeynta, carqaladaynta iyo  argagax-gelinta ku haya Hoggaamiyayaasha Bulshadda, Ganacsatadda, Dowladaha Calaamka ee Deeqda Bixiya, Diplomaasiyiinta Soomaaliyeed iyo kuwa Caalamiga.

Qoraalkaasi waxaa si toos ah loogu kala diray Dowladda Federalka Somalia, Dowladaha Maraykanka, Britain, Italy, Sweden, Norway, Finland, Denmark, Germany, Netherlands, QM, Midowga Europe “EU”, Midowga Afrika “AU”, Dowladaha Ururka Jaamacadda Carabta iyo dhamaan Saaxiibadda Beesha Caalamka ee dadaalka ku bixiya Arrimaha dalka Somalia, waxayna NUSOJ iyo SIMHA cambaareeyaan in Warbaahinta loo adeegsado in lagu carqaladeeyo Ummadda.

NUSOJ iyo SIMHA, waxay kaloo sheegeen inay  Qas-wadayaasha Omar Faaruq iyo Dahir Abdulle Calasow ee an taageeradda ku lahayn Warbaahinta Somalia, isla markaana  ay sumcad-xumo ku hayaan Haybadda Saxaafadda Somalia ee Calaamka, isla matlama ay ku xad-dudbaan Tiirarka waa weyn ee Saxaafadda Saxda ee Maxali iyo Caalami ah.

NUSOJ iyo SIMHA  waxay si kulul u cambaareynyaan in Saxaafadda loo adeegsado Carqaladeyn iyo in lagu abuuro Deganaansho La’aan, waxayna hoosta ka xariiqeen in la adeegsado dagaal iyadoo la cuskanayo Warbaahinta tahay Fal qaldan oo aan boos ka heli Karin Warbaahinta Somalia iyo kwua Caalamka.

Falalka Qas-wadayaasha Omar Faaruuq iyo Daahir Abdulle Calasow, waxay horey dhibaatooyinkaasi guud  u saamaysay Hay’adda Foundation for Media and Development (VIKES), Machadka American International labor solidarity Center, Safaaradda Somalia ee ku taalla magaalladda Kampala, Hay’addo Dowladeed oo kala duwean, Xarunta Wacyi-gelinta Bulshadda ee  Center for Community Awareness,  Shirkadda Xawaaladda Dahabshiil Money Transfer iyo kuwo kale.

War-saxaafadeedka ay soo wada saareen Ururka Qaranka Suxufiyiinta Soomaaliyeed (NUSOJ) iyo Dalladda Suxufiyiinta Madaxa Bannaan ee Soomaaliyeed (SIMHA) waxay ku baaqeen in Midnimo iyo Taageero loo muujiyo dhammaan Qeybaha Ummadda ee doonaya in caddaalad ka helaan Maxkamadaha Sharciga dhibaatooyinka ka soo gaaray Qas-wadayaasha magaca Warbaahinta u adeegsanayo inay  dadka ku argagax geliyaan, si ay uga qaataan Lacago Baad ah.

For More Information, Please contact
National Union of Somali Journalists (NUSOJ)
Second Floor, Zobe Building, KM5 area, Wadajir District,
Mogadishu, Somalia,
Office Line: Tel: +252 1 859 944,
Email: nusoj@ymail.com or nusojsomali@gmail.com
Website: www.nusoj.org.so
Follow us on Twitter: @NUSOJ_Somalia
Follow us on Facebook.com/NUSOJSomalia

Somali Independent media houses association (SIMHA )

KM4 area, wadajir District,
Mogadishu, Somalia, Tel: +252 61-5080800 /+25261-5576080
e-mail: newsletter@simha.so , simhamedia@gmailcom , hassangesey@gmail.com
E-Newsletter: newsletter@simha.so
Internet: http://www.simha.so
Follow us on : SIMHA_SOM

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...