Somalia: Wasiirka Arrimaha Dibadda ee Qatar oo labo qodob kala hadlay Ra’iisul wasaare Khayre

Date:

Wafdigii ugu heerka sarreeyay ee ka socda dowladda Qatar ayaa maanta soo gaaray magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Wafdiga waxaa hoggaaminayay wasiirka arrimaha dibadda ahna Ra’iisul wasaare ku-xigeenka Qatar, Sheikh Mohammed bin Abdulrahman bin Jassim Al Thani, waxaana qayb ka ah  Wasiirka wasaaradda gaadiidka, isgaarsiinta iyo dekada dawladda Qatar, Jassim Bin Saif Ahmed Al Sulaiti.

Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka xukuumadda federaalka Soomaaliya, Mahdi Maxamed Guuleed (Khadar) iyo xubna ka tirsan golaha wasiirrada ayaa garoonka diyaaradaha caalamiga ah ee Aadan Cabdulle Cusmaan kusoo dhaweeyay wafdiga ka socda Qatar ee booqashada ku yimid magaalada Muqdisho.

Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xasan Cali Khayre iyo wasiirka arrimaha dibadda Qatar ayaa xafiiska Ra’iisul Wasaaraha ku yeeshay kulan ay uga wada hadleen adkeynta xariirka soo jireenka ah ee labada dowladood iyo dardar gelinta mashaariicda ay Qatar ka fuliso Soomaaliya.

Ma jirto faahfaahin inta ka badan oo la bixiyay kullanka, oo ku soo aadday xilli uu xooggeystay xiriirka ka dhexeeya labada dal, tan iyo markii ay Soomaaliya ka mid noqotay dalal fara-ku tiris ah oo dhex dhexaad ka noqday xiisada khaliifka ee dhalisay in cunaqabateyn la saaro dalka Qatar.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...