Maxay Sababta FIFA Aysan U Ciqaabin Man City Balse U Ciqaabtay Chelsea Inkastoo Danbigooda Uu Isku Mid Yahay?

Date:

Afhayeen u hadlay FIFA ayaa xaqiijiyay sababta Manchester City ay uga badbaaday in xayiraad laga saaro suuqa kala iibsiga inkastoo lagu helay danbiga ah inay jabiyeen sharciga lagula wareego xiddigaha da’da iyadoo Chelsea si weyn loogu ciqaabay.

City ayaa lagu ganaaxay kaliya 315 kun ginni ka dib markii ay aqbaleen danbiga ay galeen iyagoo si sharcidarro ah kula wareegay ciyaartoy ajnabi ah oo da’dooda ay ka hooseyso 18 sanno, laakiin waa ay ka badbaadeen ciqaabtii Chelsea ku dhacday oo kale oo xayiraad looga saaray suuqa kala iibsiga ilaa July 2020.

Kooxda London ka dhisan ayaa awoodi weysay inay ciyaartoy cusub soo iibsato xagaagan, sidoo kalena ma awoodi doonto inay ciyaartoy keensadaan bisha Janaayo.

Laakiin Man City ayaa loo fududeeyay ciqaabtooda madaama ay aqbaleen qaladka ay galeen.

Jariirada Daily Mirror ayaa xiriir la sameysay FIFA iyagoo weydiiyay sababta City iyo Chelsea ay u kala ciqaab duwan yihiin madaama ay qalad isku mid ah galeen, waxaana FIFA ay u soo dirtay jawaabtaan:

“Marka si guud loo hadlo, gudiga garsooka FIFA waxa ay kiisaska u xaliyaan si mid mid ah, kiis walbana waa uu ka duwan yahay midka kale” ayuu yiri afhayeen u hadlay FIFA.

“Markii go’aan laga gaarayay Manchester City, gudiga waxa ay xisaabta ku darsadeen sida ay kooxda u la shaqeysay gudiga islamarkaana ay wax walba u kala cadeeyeen.

“Waxaa muhim ah in carabka lagu adkeeyo in xaaladaha kiiskaan uu ka duwanaa kuwa kiiskii hore ee ku xadgubay la soo wareegida saxiixa ciyaartoyda da’dooda ka hooseyso 18 jirada.

“Ugu danbeyntii sida aad arki karto, Manchester City waxa ay aqbaleen mas’uuliyada qaladka ay sameeyeen, taasoo ay gudiga ku saleeyeen go’aankooda.”

Marka hadalka FIFA la soo koobo waxa uu yahay in City iyo Chelsea ay danbi isku mid ah galeen balse Man City ay qirteen danbigooda halka Chelsea ka dagaalantay.

Chelsea ayaa racfaan ka qaadatay ganaaxa FIFA ay ka saartay suuqa kala iibsiga iyagoo rajeynaya in loo ogolaado inay ciyaartoy la soo saxiixdaan bisha Janaayo.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...