Neymar Oo Xiddig Lama Filaan Ah Ku Tilmaamay Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Ee Uu Abid Ka Horyimid

Date:

Mustaqbalka Neymar ayaa ah mid aan weli la xalanin, waxaana uu xagaagan doonayaa inuu ka tago Paris Saint-Germain oo uu dib ugu laabto kooxdiisa hore ee Barcelona oo uu labo sannadood ka hor uga tagay lacag rikoorka adduunka ah.

Sky Germany ayaa sheegtay in Barcelona ay dalab 90 milyan ginni ah iyo labo ciyaaryahan oo ay ka xulanayaan liiska lixdaan xiddig Philippe Coutinho, Ousmane Dembele, Ivan Rakitic, Nelson Semedo, Malcom iyo Samuel Umtiti ka gudbisay Neymar.

Neymar Oo Xiddig Lama Filaan Ah Ku Tilmaamay Ciyaaryahankii Ugu Fiicnaa Ee Uu Abid Ka Horyimid
Haddii Neymar uu xagaagan ku laabto Barcelona kaliya uma tagi doono wajiyadii uu ku yaqiinay kooxda sidoo kale waxa uu ka horimaan doonaa xiddig uu ku tilmaamay inuu yahay ciyaaryahankii ugu adkaa ee uu abidka ka horyimaado.

Neymar ayaa sheegay in daafaca dhexe ee Real Madrid Sergio Ramos uu yahay xiddigii ugu fiicnaa ee uu abid ka horyimaado.

Barnaamij su’aalo iyo jawaabo ah oo lagu weydiinayay tartankiisa ‘Neymar Jr’s Five’ tournament – ayaa la weydiiyay inuu magacaabo xiddigii ugu fiicnaa ee uu wajaho.

“Xiddigii ugu fiicnaa ee aan ka horimaado? Sergio Ramos.

“Sababtoo ah waa daafac dhexe oo aad u fiican, waxaa sii dheer inuu dhaliyo goolal.

“Aad ayay u adag tahay in laga horyimaado.”

Xiddiga reer Brazil ayaa wajahay Ramos sagaal jeer, waxa uu badiyay afar, waxaa laga badiyay afar jeer, waxaana ay barbaro galeen hal keer.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...