Isbedelka Dhacay Ee Sababay In Mesut Ozil Uu Noqdo Wiilka Dahabiga Cusub Ee Unai Emery Ee Arsenal Oo La Ogaaday

Date:

Mesut Ozil ayaa la heshiiyay tababare Unai Emery waxaana uu diyaar u yahay inuu soo bandhigo xilli ciyaareedkan qaab ciyaareedkiisii ugu fiicnaa abid oo uu luug geliyo dadka had iyo jeer dhaleeceynta u soo jeediya.

Xiddiga ku guuleystay Koobka Adduunka ayaa u muuqday mid ka tagaya Emirates Stadium ka dib markii ay si fiican isku fahmi waayeen tababare Unai Emery.

Laakiin kubadsameeyaha Jarmalka ayaan soo jiidanin xiiso badan suuqa kala iibsiga xagaagan, taasoo keentay inuu ogaado inuusan aheyn sidii hore oo ay koxoaha waa weyni ku dagaalami jireen saxiixiisa.

Ozil ayaa bedelay habdhaqankiisa marka loo eego sida uu u shaqeynayo iyo dadaalka uu muujinayo kulamada saaxiibtinimo ee ay Arsenal ku ciayareyso Mareykanka.

Ma jiro ciyaaryahan ka shaqo badnaa Ozil kulankii ay Arbacadii 2-1 kaga badiyeen Bayern Munich ee saaxiibtinimo, waxaana uu sarre u qaaday tayada ciyaartiisa.

Waxa ay u muuqataa in wada sheekeysi dheer uu la yeeshay tababare Emery inay ka dhaadhicisay 30 jirkaan Ozil inuu joogo waqtigii uu muuqan laha ama muuqbeeli lahaa ee waayihiisa ciyaareed.

Wareysi dhif iyo naadir ah uu bixiyay ayuu Ozil ku yiri: “Waxaan xaqiiqdii xiriir aad u fiican la leeyahay tababaraha, wax badan ayaan wada hadalnaa, waxaana uu doonayaa inuu i caawiyo, anigana waxaan doonayaa inaan kooxda caawiyo

“Laakiin waqti adag ayaa i soo maray sannadkii hore sababtoo ah dhaawacyadii i soo gaaray ka hor bilowgii xilli ciyaareedka.

“Sidaasi oo ay tahay waxaan ciyaaray kulamo badan, waxaana qabaa in xilli ciyaareedkan uu fiicnaan doono aniga iyo kooxdaba.”

Emery wax dhibaato ah kuma qabin tayada Ozil laakiin waxa uu dhibaato ku qabay heerka shaqadiisa isagoo caajis ku ciyaarayay islamarkaana inta badan seegayay kulamada.

Tabaaraha reer Spain ayaa yiri: “Waxaan la hadlay Mesut bilowgii xagaagan, waxaana doonayay inaan ka soo saaro qaab ciyaareedkiisa ugu fiican.

“Si fiican ayuu u shaqeynayaa, sidaasi darteed niyad wanaag ayaan ka qabaa. Waa uu u heelan yahay kooxda, waxaana uu ka mid yahay kabtanada kooxda sida Granit Xhaka iyo Nacho Monreal.

“Sidaasi darteed waxaan indhaha ku hayaa inaan arko qaab ciyaareedkii ugu fiicnaa ee Mesut Ozil xilli ciyaareedkan”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...