Maku Raacsan Tahay Falanqeeyayaasha Sky Sports In United & Arsenal Seegayaan Afarta Sare?

Lix Falanqeeye oo ka tirsan Sky Sports ayaa isku raacay in xili ciyaareedkaan aysan awood u yeelan karin Jose Mourinho iyo Arsene Wenger iney ku dhameystaan afarta sare kadib natiijooyinkoodii kulamadii ugu dambeeyay.

Gary Neville, Jamie Carragher, Alan Smith, Thierry Henry, Niall Quinn iyo Graeme Souness ayaa isku raacay in kaliya Blues, Citizens, Reds iyo Spurs ay ku dhameysan karaan afarta ugu sareysa, waana markii ugu horeysay ee Wenger laga weynayo saaxaadda yurub hadii ay dhacdo inkastoo Mourinho uu heysto fursad kale oo dheeri ah.

Jose Mourinho wuxuu heystaa fursad uu ku hanto koobka labaad ee horyaalada yurub UEFA Europa League, taasoo ka saacidi karta iney kasoo qeyb galaan xili ciyaareedka soo aadan tartanka Champions League.

Halkaan Ka Aqriso Saadaasha Falanqeeyayaasha Oo Faah-Faahsan

Qeybta hoose ee fikradaha nagula wadaag wixii maankaga ku jiro adigoo eegaya weydiimahaan hoose:

Makula Tahay Wenger Inuu Weyn Karo?

Fursadda Uu Heysto Jose Mourinho maka miradhalin doonaa?

Comments

comments