Somaliland: Xukuumadda Oo Maxkamadeynaysa Fanaaniin Xidigaha Geeska oo Hargeisa Lagu Xidhay

Afar ka mid ah fannaaniinta Xidigaha Geeska oo dhawaan bandhig faneed ka dhigay  magaalada Muqdisho ee dalka Soomaaliya, ayaa saaka lagu xidhay magaaladda Hargeysa markii ay ka soo degeen madaarka Cigaal International Airport.

Afarta fannaan ee xabsiga loo taxaabay ayaa kala ah Axmda Queen, Nimcaan Hillaac, Maxamed Axmed Bakaal iyo Cabdiraxmaan Caydiid (Oday).

Guddoomiyaah Xidigaha Geeska Abwaan. Xasan Dhuxul Laabsaalax, ayaa sheegay in fanaaniinta, dhakhaatiirta iyo ganacsatadu aanay xad lahayn, koox faneedka uu guddoomiyaha u yahayna la mid tahay, waxaannu yidhi;

“Waxa Madaarka Cigaal ka soo dagay afar kamida Xidigaha Geeska, balse isla daqiiqadii ay soo dageenba xabsigaa loo taxaabay; fanaaniinta ,dhakhaatiirta iyo ganacsataduba xad iyo xuduud ma leh, fanaaniintuna waa la mid. Xidigaha Geeska fankoodu xad iyo xuduud ma leh, laakiin qadiyadoodu way leedahay.

Dastuurka Somaliland  faqradiisa koowaad qodobka 23aad ee xorriyada dhaqdhaqaaqa qofku  wuxuu sharaxayaa in qofku meeshuu doono booqan karo, soona noqon karo, halka qodobkiisa 25aadna  uu qirayo in aan qof muwaadin ah layska xidhi karin markaa maxay xadhig iyo xabsi ku mutaysteen.”

Abwaan Laabsaalax waxa uu sheegay in kooxdodu ka madaxbannaan tahay dawladda, isla markaana aanay hoos tegin Wasaaradda Warfaafinta,

“Madaxweynaha waxa aan u sheegaya in Kooxda Xidigaha Geesku ka madaxbannaan tahay dawladda, Wasaaradda Warfaafintana ma hoos tagno, qof kaliya oo naga mid ahi um a shaqeeyo dawladda, haddaannu shaqaale dawladeed nahay dee xeerka hay’adda shaqaalaha dawladda na qabanaya, laakiin siday dhakhaatiirtu u madaxbannaan yihiin ayey Xidigaha geeskuna u madaxbannaan yihiin.”

Geesta kalena, Wasiir-ku-xigeenka Maamulka Gobollada ee Wasaaradda Arrimaha Gudaha Axmed Faarax Caddarre, ayaa fanaaniintan ku eedeeyay inay jabiyeen qaraar sharci ah oo dalku ka dhigtay in lagu milmo Soomaaliya.

 “Hoobalada la xidhay waxay u fasax qaateen Nairobi, waxay ka been sheegeen arrintaasi, dabeed waxay tageen Soomaaliya, iyagoo dabeedna arrimo kale galay oo sidaad Tv-yada ka daawateen Calankii Soomaaliya ay ka muuqanayeen, markaa waxay ku xadgudbeen xeerkii u yaalay Somaliland, sababtaas awgeed ayaa loo xidhay,” ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeenku.

Wasiirku waxa uu ku dooday in fanaaniintani ay ahaayeen shaqaale dawladeed, waxaanu yidhi

 “Fanaaniintani waa muwaadiniinta Somaliland ee ka turjumaya qaranimada, xeer ayaana  u yaalay kaas oo ahaa in siyaasiyiinta iyo fanaaniintu ay  ka mid yihiin qaranka, waxaanay ka tirsan yihiin shaqaalaha dawladda waanay xad gudbeen, waxaanay hoboladani ka tirsan yihiin wasaarada warfaafinta oo ay mushahar ka qaataan sharciga ayaana la marinayaa.”

“Faraqa u dhaxeeyaa waxa weeyaan dadka Somaliga ku hadlaa caalamka meeshii ay doonaan wax way ku qaban karaan,   laakiin Somaliland iyo Soomaaliya qadiyad ayaa ka dhaxaysa laba wadan oo isku tagayna way ahaayeen ilaa ay isla dhigaan oo shacabka Somaliland ayaa go’aankan qaatay. Qaranka Somaliland-na waxa uu ka turjumayaa baahida shacabku ay go’aansadeen, markaa meelo kale waa lagu qaban kara, laakiin laguma qaban karo Somaliya,”

ayuu yidhi Wasiir-ku-xigeen Caddare oo BBC warraysi siiyey, kana jawaabaayey su’aal laga waydiiyey in dadka Soomaalida ah ee isku dhaqanka iyo afka ah lahaan karaan xidhiidh faneed.

Comments

comments