Somaliland: Cabdiqaadir Jirde Oo Sheegay Inay Madaxda Xisbiyadu Madaxweyne Biixi Kala Kulmeen Hungo Madhan

Date:

Guddoomiyaha kumeelgaadhka ah ee xisbiga mucaaradka ah ee Waddani xildhibaan Cabdiqaadir Ismaacil Jirde, ayaa shaaciyay inay burbureen wada hadaladii uu madaxweyne Biixi ku baaqay waxaanu ka sheekeeyay kulankii dhex maray madaxweynaha iyo hogaamiyayaasha xisbiyada mucaaradka ah ee Somaliland.

Masuulkan ayaa ku eedeeyay madaxweynaha in aanu wax tanaasul ah la iman isla markaasna uu sheegay in halkii hore uun uu taagan yahay,waxaanu ku tilmaamay in aanay kala kulmin war lagu farxo ee ay hungo kala kulmeen,Cabdiqaadir Jirde ayaa sidan ku sheegay shir jaraa’id oo uu ku qabtay xarunta xisbiga Waddani, waxaanu hadalkiisa ku bilaabay “26-kii Juun waa tii madaxweynuu uu martiqaadka sameeyay, waatii hadalkana nala siiyay hadaanu nahay asxaabta mucaaradka ah, hadalkayagii waxa ku jirtay madaxweyne dalka hoggaankiisa adiga ayaa haya shakina yaanu kaa galin kuguma haysano hoggaanka, ee waxaanu doonaynaa hayaanka lagu jiro iyo geedigaas aad gadhwadeenka ka tahay inaanu dariiqa ka leexan ee aanu kula toosino haddii geedigu kula qalqaloocdo, waanuna qirnay inuu yahay madaxweynii qaranka, habeenkaas waa kii isagu ka jawaabay ee yidhi saddexda xisbi waan isugu yeedhayaa wax aad ku faraxdaana waan idin maqashiin doonaa, saddexda xisbi 64 jeer ayay arimahan ka kulmeen waanay isla meeldhigi kari waayeen oo waad ka warhaysaan habeenkaas waxa uu noo yeedhay isaga oo madaxweynii qaranka ah oo xisbiyada horaanu sheekada u dhamaysanay wax naga qabyo ahina may jirin oo aanu isku afgaran waynay, umaddna waxa uu u sheegay war lagu farxo uu ka soo bixi doono, waxaan lahayn madaxweynii qaranka ayaad u tagteen oo go’aan ayuu sidaa, hungaanu kala kulanay, markaanu Sabtidii isku nimi waxa uu yidhi waxaan isugu kiin yeedhay inaad saddexdiiba xisbi aad halkii ka sii wadaan 64 jeer ayanau kulanay madaxweyne meelna waanu isla dhigi kariwaynay maanta adiga ayay ku fadhidaa saddexda xisbina adiga ayay kuu marti yihiin adiga oo madaxweynii qaranka ah xogogaalan ah adigu arintaas dhinac u dhaqaaji, madaxweynaa kamaanu filayn inuu arinta halkaas dhigo in waxii uu dadka maqashiiyay lagu hungoobo.”

Cabdiqaadir Jirde oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“ Xagayaga ayay ka timi madaxweyne iyada  oo la kooban yahay laba laba xubnood oo madaxda xisbiga ah ama xukuumada ah halays arko oo halaysku soo noqdo madaxweynaha iyo ku xigeenku waa ay ka soo qaybgaleen xaga xisbigana aniga iyo Cabdilaahi Dahab, Ucidna Faysal iyo Abyan iyo Naasir oo hadal qoralka ahaa waxa na waheliyay xoghayaha gaarka ah ee madaxweynaha dood dheer kadib oo waliba Ucidna nagu raacay oo maalintaas uu xafiiska madaxweynaha aanu fadhinayna uu aad ula hadlay Faysal oo uu yidhi madaxweyne waxa ay taagan tahay halkii ay 2009-kii taagnayd gobanimadii iyo talaabadii uu qaaday Rayaale ayaa maanta lagaaga baahan yahay inaad talaabo dib u qaado oo aad tidhaahdo,aniga ayaa idinka diiday siduu Rayaaleba markaanu mucaaradka ahayn inooga ogolaaday Ucid iyo Kulmiye gobanimadii oo kale ayaa loo baahan yahay ku dhiirashadii ayaa loo baahan yahay, magac ayaad ku helaysaa iyo kalsooni aad umadda kaga kasbato wadankiina tafaraaruq ayaa jira, hawlo badan ayaa inagu socda umaddii oo kala fogaatay ayaa jirta bal wax dhanka wanaagsan ah oo xukuumadu qaado tii ugu horaysay ha noqoto oo tanaasul ah samee, hadal iyo dhamaantii waxay noqotay waar niman yahow halkaas ayaan taaganahay meel aan uga noqonayaana ma jirto todobadaas in la magacaabo weeye labadana marka baarlamanaka danbe la doorto oo wax alle iyo wax sababa ah oo uu ku difaaco madaxweynuu go’aankaas ma jirto.”                                                                                                                                                                                                       Waxa uu guddoomiye Faysal ku dhaliilay In uu eedii u qaybiyay markii danbe“ Madaxweynuu waxa uu umadda horteeda ka balan qaaday ee uu yidhi umadda ayaan ka farxinayaa inay waydowday oo la waayay, anagu umaanu tagin guddoomiye xisbi, xafiiska dalka looga taliyo ee madaxtooyada ayaanu ugu tagnay markii danbena waxaanu ka aqbalnay inaanu gurigiisa ugu tagno, Waxaanan ka filayn gudoomiyaha xisbiga Ucid Faysal Cali Waraabe oo mawqif weyn ka qaatay markaanu madaxtooyada joognay oo waano dheer iyo hogatusaalayn la galay madaxweynaha oo yidhi madaxweyne maanta adiga ayay ku fadhidaa halkii Rayaale ayaad joogtaa labadii xisbi ee mucaaradka ahaa ayaa kula jooga isaga oo aan raali ka ahayn oo ay la qaloocantahay ayuu qaatay si uu dadka isugu soo dhaweeyo oo ay doorashaduna u suurto gasho adiguna madaxweyne halka halkeedii ayaad taagan tahay naga yeel,oo waliba waa uu u maah maahay oo waxa uu yidhi waligay aabahay Cali Waraabe madax kamaan dhunkan adiga madaxaan kaa dhunkaday ee midhkaas naga yeel, Faysal kamaanu filayn markaanu shirkaas ka soo baxnay inuu eeda noo qaybiyo oo uu yidhaahdo labada xisbi ayaa isku tanaasuli waayay Faysalow labadeenaba waa uu inoo tanaasuli waayay.waanuna ku amaanaynaa mawqifka uu ka istaagay ee uu iskaaya garab taagay. ”

Ugu danbayntii waxa uu hadalkiisa ku soo gunaanaday guddoomiyaha kumeelgaadhka ha ee xisbiga Waddani “ Intaas ayaanu idiinku yeedhnay in aanay xagayaga iyo xaga Ucid toona ka burburin Kulmiyena anagu eedayn mayno oo hore ayaanu isku soo nidhi waxayagii,waxaanu u nimi madaxweynaha qaranka isaga ayaanu filaynay sidii milguhu ahaa inuu madaxweyne qaran isku dhigo oo ragiisa uu yidhaahdo halkaas fadhiista anigaa maanta go’aaminaaya manay dhicin ayaan darona way ahayd, tanina fure ayay u noqon lahayd is afgarad asxaabta dhex mara, xukuumadu dalka kaligeed kuma filna xukuumaduna meel walba gacmaa kulama jirto hadaanay taageero iyo badhitaar aanay xisbiyadu la wadin wax badan ayaan u qabsoomayn, waataas tii la dhinac maray.”

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...