Somaliland: Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta shir gudoomiyey kulankii Labaad Ee Nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka

Date:

Madaxweyne Ku Xigeenka Somaliland Oo Maanta shir gudoomiyey kulankii Labaad Ee Nafaqaynta hooyada iyo dhalaanka
Hargeysa-03.07.2019 Madaxweyne ku xigenka Jamhuuriyadda Somaliland Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa saaka gudoomiyey Shirka Nafaqada hooyasa iyo dhalaanka. shirkaaa oo ay goob joog ka ahaayeen xubno ka mida Golaha Wasiirada oo qaybka ah barnaamijka nafaqaynta.

Ugu horayn waxaa halkaasi ka hadlay Isu-duwaha guud ee Barnaamijka Dr. SakariyeDaahir oo Gudidana warbixin faah faahsan ka siiyey waxyaabaha u qabsoomay Barnaamijka Nafaqada Qaranka, Lixdii bilood ee lasoo dhaafay, Amaal Dacar oo iyaguna ka socotay Bulshada rayidka ah ayaa Barnaamijka Nafaqada hooyada iyo dhalaanka warbixin ka siisay Guddi hoosaadka ku bahooday Barnaamijkan, sidoo kalena waxaa shirkaasi lagaga dooday isla markaana lagu naaqishay ajandaha siyaadada Barnaamijka iyo qaabkii loo dardar gelin lahaa wax qabadka lixda bilood ee soo sacota sannadkan 2019-ka, Dhanka kale Agaasimaha Guud ee Wasaaradda horumarinta Caafimaadka ayaa isna soo bandigay warbixinta la xidhiidha wasaaradooda iyo waxyaabaha u qabsoomay.

Madaxweyne ku xigenka Jamhuuriyadda Somaliland, ahna ku si maha madaxweynaha somaliland, Mudane, Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) oo ah Gudoomiyaha Barnaamijkan ayaa sheegay in loo baahan yahay in la dhamays tiro waaxyaha ka dhiman Barnaamijkan, sidoo kalena waxa uu ku booriyey Xubnaha Wasiirada inay dardar geliyaan barnaamijkan si qaranka looga faa’iideeyo, waxaa kale uu xusay inay lagama maarmaan tahay anba qaadka Barnaamijkan ka midho dhalintiisu.

Wa bilaahi tawfiiq

 

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...