Somaliland: Eng Maxamed Xaashi Cilmi Oo Ka Hadlay Mushkiladda Dhaqaale iyo Sicir-bararka, Madaxwaynahana U Soo Jeediyey Inuu Is-casilo

Date:

“Nidaamkeenii oo Dhan Baa Faashil Ah Kolkaa Waxay Noqonaysaa In Nidaamka Dib Loogu Noqdo Madaxwaynuhuna Iska Nasto” Wasiirkii Hore ee Maaliyadda

Maxamed Xaashi Cilmi, wasiirkii hore ee maaliyadda ayaa ka hadlay guud ahaan xaaladda dalku marayo iyo mushkiladda sicir bararka iyo hoos u dhaca dhaqaale ee dalku ku jiro.

Maxamed Xaashi Cilmi oo waraysi siinayay telefishanka Eryal TV ayaa mar uu ka hadlayay sicir bararka dalka halakeeyey waxa uu soo jeediyey in dawladdu ay dib ugu noqoto siyaasadda jaadka, lana socoto xaaladda dhaqaale ee dadwaynaha iyo shaqaalaha dawladda oo aaan mushaharkoodu ku filnayn, waxaana uu sidoo kale xukuumadda ku eedeeyey inay iyadu qayb laxaad leh ka ciyaarayso sicir bararka maadaama wasiirradu ay tiro beeleen, isagoo arrimahaas ka hadlayana waxa uu yidhi:

“waa in loo daneeyaa dadwaynaha oo wixii dantiisu ku jirto ay dawladdu ku shaqaysaa, dadwaynuhu waa dad baahan, waa la shaqo la’yahay, xoolihii dhoofayay way joogsadeen, abaara jira, wax badan ayaa soo kordhay kolkaa maceeshaddu waa inay cirka isku shareertaa, Jaadkii wuu socdaa oo lacag badan baa maalintii jaadka inaga baxda oo aan siyaasad laga lahayn, jaadka in dawladdu siyaasad ka yeelato ayay ahayd, midda kale shaqo la’aantan faraha badanina dhibaatadeeda ayay leedahay wax lagu tabcana waxaa ugu wanaagsan bani aadamka, baahi badan baa jirta, sicir barar uun ma jiree wasiir bararna waa jiraa oo 70 wasiir iyo 10 xil suge, kolkaa shaqaalaha dawladdu markii horeba lacag badan ma qaadan jirin sicirbararkani markuu ku habsado dakhligiina wuu yaraanayaa kolkaa waxay ahayd shaqaalaha iyo ciidamada in la daryeelo oo goor walba lala socdo maceeshadoodu halkay marayso iyo mushaharkooda la isku miisaamo”

Sidoo kale Maxamed Xaashi Cilmi ayaa dhaliilay xubnaha baarlamaanka Somaliland, waxaana uu ku siifeeyey inay ku jiraan xaaladdii ugu liidatay oo bahanlnimo ah, sidoo kalena waxa uu ka dayriyey xalaalnimada mushaharka ay qaataan, waxaana hadalkiisii ka mid ahaa:

“Baarlamaan ma jiro, hanti dhawr ma jiro, baarlamanku waxa uu marayaa halkii ugu liidatay oo codka ayay iibsanayaan, muddo kordhintu waa shay xaaraana markaanay sharci ku fadhiyin, kolkuu shay xaaraana ku fadhiyo wuxuu ka dheefaana waa xaaraan, xaaraani intay kugu jirtana cibaado ilaahay kaama aqbalo kolkaa ama xajka ha tageen ama meel kale ha tageen kuwo ilaahay wax ka aqblayo maaha waayo waxay cunayaan baa xaaraan ah baarlamankuna baarlamankii ugu xumaa weeye”

Ugu dambayn waxa uu Eng Maxamed Xaashi Cilmi soo jeediyey in Madaxwaynuhu is casilo iskana nasto isla markaana dib loogu noqdo nidaamka dalka oo fashil ku dhaw “nidaamkeenii oo dhanbaa nidaam faashila ah, kolkaa waxa weeye in dib loogu noqdo madaxwaynuhuna iska nasto, ciddii qabanaysaa ha qabato doorashada uun inanynu galno oo doorasho xor oo xalaal ahi dhacdo ayaa daruuri ah” sidaas ayuu yidhi Wasiirkii hore ee maaliyadda Maxamed Xaashi Cilmi oo la xasuusto markii uu wasiirka ahaa inoo dejiyey xaaladda nololeed iyo dhaqaale ee dalka.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Somaliland leader says access deal with Ethiopia can deter Houthi attacks

Muse Bihi Abdi promises ‘freedom of navigation’ in the...

New Taiwanese President vouches for continued relations with Somaliland

The new president of Taiwan, William Lai, has vouched...

China scolds Somaliland region over ties with Taiwan

MOGADISHU, Somalia - The People's Republic of China has scolded...