Somalia: Somaliya Oo Dacwad Ka Gudbinaysa Dalka Gini Oo Qaab Heer Sare ah Madaxwaynaha Somaliland U Qaabilay.

Somaliya Oo Dacwad Ka Gudbinaysa Dalka Gini Oo Qaab Heer Sare ah Madaxwaynaha Somaliland U Qaabilay.
Wasiirka Arimaha Dibadda Somaliya Axmed Ciise Cawad Oo Ka cadhaysan Waftiga Somaliland Ee Sida Meeqaamka Sare loogu soo dhaweeyay Dalka Gini ayaa kulan saxaafadeed uu warbaahinta muqdisho iskugu yeedhay uu ka baaqday.

Warbaahinta Muqdisho ayaa waxa looga yeedhay Xafiiska wasiirka arimaha dibada iyadda oo loogu baaqayo in ay ka soo qayb-galaan shir muhiim ah oo wasiirku qabanayo.

Saacad ka hor waqtigii loo ballansanaa shirka Jaraa’id ayaa la sheegay inuu baaqday kulankii uu Saxaafadda isugu yeeray Wasiirka iyadoo aan si rasmi ah loo ogeyn sababaha keenay balse loo badinayo inuu Wasiirka soo saari doono war saxaafadeed qoraal ah.

Xogo Ay Helayso Shebekada BurcoOnline Ayaa Sheegaya In wasiirka doonayay inuu ka hadlo qaabkee madaxwaynaha jamhuuriyadda somaliland iyo waftigii uu hogaaminayay loogu soo dhaweeyay dalka Guinea taas oo dawlada Somaliya ka Cadhootay.

Dawlada somaliya ayaa ilo lagu kalsoon yahay ka soo wariyeen in ay diyaariyeen dacwad ay u gudbinayaan Midowga Africa oo ka dhan ah dalka Guinea taas oo qaabkii ay madaxwaynaha u qaabileen ka dhigay dal madax banaan sida ay iyagu ku doodayaan.

Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi ayaa xalay gaadhay caasimadda dalka Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ee galbeedka qaaradda Afrika oo ay marti-qaad rasmi ah ka heleen.

Madaxweynaha iyo weftiga uu hogaaminayey waxa Garoonka caalamiga ah ee Conakry ama Gbessia International Airport ee caasimadda Jamhuuriyadda Gini (Guinea) ku qaabilay wasiirka arrimaha dibadda dalka Gini, Mudane Mamadi Toure.

Intaa kaddib, madaxweyne Biixi iyo weftiga uu hoggaaminayey, waxa Garoonka Conakry International Airport lagaga qaaday diyaarad khaas ah oo nooca qummaatiga u kaca ah ee (Helicopter)-ta loo yaqaanno, taas oo si toos ah madaxweynaha iyo xubnaha weftiga ah u geysay qasriga madaxtooyada waddanka Jamhuuriyadda Gini sida uu ku soo waramayo afhayeenka madaxweynaha Maxamuud Warsame jaamac.

Comments

comments