Somaliland: Akhri Xogta Siyaasadeed Ee Ku Duugan Taariikhda Dalka Ginni, Nooca Uu Noqon Karo Xidhiidhka Cusub Ee Somaliland La Bilawday Iyo Saaxiibtinimada Ka Dhexaysa Dal-Weynaha Ruushka.

Date:

Ruushka, Gini Iyo Somaliland Maxaa Xidhiidh Ah Ee Ka Dhaxayn Kara.
waa Albaabka iyo Daaqadda uu Ruushku kasoo galo Qaarada Africa, xidhiidhka Ruushka iyo Guinea waxa uu soo jiray muddo 60 sano ah, xidhiidhkooga diblomasiyadeed wuxu soo taxnaa tan Iyo xilligii Midowgii Soviet-ka.

Xidhiidhka Ruushka iyo Guinea wuxu samaysmay kadib markii dalkan ku yaala Galbeedka Africa uu xumaaday xidhiidhkii u dhaxeeyay Dawladii France oo ah Wadankii gumaystay waxaana xidhiidhkoogu si wayn u xumaaday xilligii ay Dalalkaas kala hogaaminayeen de Gaulle iyo Sekou Toure.

Kadib markii dalkan Guinea uu ka baxay france-ku wuxu galay xaalad adag oo dhaqaale iyo musallaf baahsan maadaama uu ahaa wadan curdin ah, xilligaas waxa u gacan haadiyay oo god kasoo saaray Midowgii Soviet oo taagero laxaad leh u fidiyay dalkan yar ee curdinka ah, wuxuna ka mid noqday dalalkii ay ka hirgashay aragtidii Gooni-goosadku. Dalkan sidoo kale waxa saamayn ku yeeshay loolankii Dagaalka Qabow ee dunida soo maray, mar walbana wuxu ahaa saaxiib dhow oo Ruushku ku leeyahay Qaarada Africa.

Xilligan Danbe Iyo Xidhiidhka Russia Iyo Guinea.

Ruushku wuxu taageero dhinacyo badan ah ka taageeraa Guinea sida Security-ga, Waxbarashada, Kabayaasha Dhaqaalaha, kallumaysiga, Caafimaadka, Difaaca, Macdanta Tamarta iyo meelo badan oo kale, Dalkani waa dalka ugu badan u loosoo dhoofiyo waxsoosaarka Ruushka ee Qaarada Africa yimaada.

Maalgalinta tooska ee Ruushku dalkan galiyay 2-dii sano ee u danbeyay waxay kor u dhaaftay $300M waxa uu ka hirgaliyay mashariic dhanka Wadooyinka, Dakadaha iyo Khadadka Tareenka ah.

Shirkadaha ugu waawayn ee Ruushka ee farsameeya Macdanta iyo Aluminium ayaa xarumo ku leh dalkan maadama Guinea ay qani ku tahay macdanta (bauxite) oo ay tahay dalka ugu wayn ee laga helo Adunka oo dhan.

Dalkan oo kaso kabanaya riiqdii ay tageen dagaalo dalka ka dhacay, sidoo kale waxa saamayn xoogani kasoo gaadhay dhanka Caafimaadka, 2013kii dhamadkiisi waxa dalka ka dilaacay Cudurka Ebola isagoo ahaa dalkii u horeeyay ee Bariga Africa ku yaal e Cudurkani ka dilaaco.

Ruushka ayaa ahaa dalkii taagerada ugu badan u fidiyay, wuxu Gueine Ruushku ka saaciday Guinea ladagaalanka cudurkan, sidoo kale wuxu maalgalin badan ku bixiyay xarumo Cilmi baadhis Caafimaadka ah oo laga hirgaliyay Guinea (epidemiology and microbiolgy Clinic Centres) si Cudurka Ebola dalka looga tirtiro.

Ruushku dalkan wuxu sanad walba ugu deeqaa in ka badan 2000 shaqaale xirfadle kuwa Dowalada ah oo deeqo loo geeyo Ruushka.

Madaxwaynaha Guinea Alpha Conde oo sanadii 2017ka soo noqday Gudoomiyaha Midowga Africa, mudadii uu xilkaa hayay wuxu safaro aan kala joogsi lahayn ku tagayay Ruushka, mudadaasna wuxu soo xerogaliyay Maalgalin toos ah oo Ruushku ku bixiyo Qaarada Africa oo qadarkeedu dhamaa $20 Billion, qayb badan oo maalgalintaas kamid ah waxa gaar u helay dalkiisa Guinea.

Suragal Ma Tahay In Ruushku Qayb Ka Ahaa Martiqaadka Gueine Ay Ku Casuuntay Somaliland?

Dalka Guinea oo dhaca Galbeedka fog ee Qaarada Africa xubina ka ah Ururka Midowga Wadamada Galbeedka Africa (The Economic Community of West African States) Wuxu saamayn togan ku leh yahay midowgaas.

Sidaas oo ay tahay hadana ma jirin waligeed xidhiidh Diplomacy, Saaxiibtinimo, Dhaqan Bulsho iyo Dhaqaale toona oo ay Somaliland wadagaan, hadana marka laga shidaal qaato qaabka soo dhawaynta iyo meeqaamka lagu qaabilay Madaxwaynaha Somaliland oo aan haysan Ictiraaf Rasmiya waxay dhalisay su’aalo badan oo arintan la iska waydiin karo madaama xogta safarkan ay aad u adagtahay sida loo helaa.

Rushka oo ah saaxiibka ugu dhow ee Guinea ku leedahay Qaarada Africa waxa marmar badan la maqlay hadal haynta ku saabsan xiisaha uu u qabo inuu Saldhig Ciidan ka dhigto Jasiirad la moodka Saylac ee Badwaynta Somaliland.

Arinta ah in Ruushku danaynayo in uu Saldhig Military ka dhigto Magaalada Saylac ayaa la kowsatay oo si xoog ahna ay hadal haynteedu usoo baxday intii uu xilka qabtay Madaxwayne Biixi oo Afka Ruushkana ku hadlaa, arintan oo la sheegay inay Somaliland ka dhago adeegtay muddo dhowr jeer ah.

Marka loo eego booqashada Biixi ee xilligan ee Dalka Guinea oo ah arin ugub ku ah siyaasada Arimaha Dibada ee Xukuumada Madaxwayne Biixi iyo saamaynta uu dalka Ruushku ku leeyahay Dalkaasi Guinea ayaa abuuri karta tuhuno ah in Ruushku wax ka ogaan karo booqashadan hadii aanu Rushka laftiisu kaba shaqayn booqashadan, waase arin soo bixi doonta markii ay noqotaba.

W/Q Cabdiraxmaan Maxamed Sheekh Yoonis

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...