Somaliland: “Cali Khaliif Dadka Uu Hoggaamintood Sheegaynayo Way Leeyhiin Ragg Ku Matala Siyaasadda Somaliland”

Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo ka tirsan Mudanayaasha gollaha wakiillada Somaliland ee laga soo doortay gobolka sool ayaa sheegay si adag u weerar hoggaamiyaha kooxda Khaatumo Prof. Cali Khaliif Galaydh.

Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo waraysi gaar ah siiyay Televishanka SAAB ayaa ayaa sharaxay sababaha uu ku diidan yahay Cali Khaliif Galaydh waxaanu yidhi “horta Cali Khaliif odaytinimadiisa uma diidin, hoggaaminta Dhulbahante iyo sida xaqiiqadu tahay waa inay ka duulnaa, dalkanu dastuur ayuu leeyahay, doorashooyinkii iyo diwaan-galintii ugu dambaysay, deegaanka aan ka soo jeeda Ceerigaabo ayuu degaa, Taleex ayuu degaa, Laascaanood oo dhan ayuu degaa, 30Km meel u jirta Garoowe ayuunu gaynay sanduuqa diwaan-galinta, ummadasi waa ummad Somaliland noqotay oo dawladda Somaliland la heshiisay oo go’aamadeedii iyo taladeedii meel wax ku qoratay oo Somaliland la heshiisay, waa dadkaa Garoowe ilaa Ceerigaabo degan, haddii ay jiraan dad aan ku qanacsanay intaasi way qanceen oo adiga ayaa ka makhraati ah oo joogay Awr-boogays iyo Adhi Caddeeye, Sanduuqdii diwaangalintuna dhulkii ay ka dhexeen waa la ogaa, taasi waxa ay kuu caddaynaysa inay dadka Somaliland yihiin oo ay leeyihiin dad u matala Somaliland iyo siyaasada”

Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in gobolada u baahan in la soo xero-galiyo ay ka mid yahay gobolka Buuhoodle waxaanu yidhi “anigu waan qabaa in Buuhoodle oo kale lala furo wada-hadal, waa in lala furo cid kasta iyo koox kasta, in uu qof iska sheegto dad Somalilanders ah oo ilaa xadkaa maraya” ayuu yidhi Xildhibbaan Saleebaan Cali Koore.

Comments

comments