Somalia: Wasiirka Arrimaha Gudaha dowladda federaalka oo gaaray Dhuusa-Mareeb

Date:

Wasiirka Wasaarradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka Xukuumadda Soomaaliya Cabdi Maxamed Sabriye iyo Wafdi uu horkacayo ayaa ka degay garoonka diyaaradaha degmada Guri-ceel wax yar uu kaddib markii uu soo baxay warka ku saabsan in mas’uuliyiin ka tirsan dowladda tagi karin deegaannada Galmudug.

Ka hor inta aysan cagadhigay diyaaradii siday Wasiirka ayaa waxaa soo baxay warar sheegaya in garoonka ay la wareegeen ciidamo daacad u ah madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Ducaale Geelle Xaaf, hasse ahaatee Wasiirka iyo wafdigiisa ayaa ka degay garoonka oo si diiran loogu soo dhaweeyay.
War ka soo baxay Madaxtooyada Galmudug ayaa lagu faray Shirkadaha diyaaradaha in aanay soo qaadi karin Mas’uuliyiinta dowladda Federaalka ee ka imaanaya Muqdisho, hase ahaatee amarkaas ayaa ka dhaqan geli waayay magaalada Dhuusamareeb oo ay ku xooggan yihiin Ahlu Suna.

Waxaa sii xoogeynaya xiisada siyaasadeed ee u dhaxeysa maamul gobolleedka Galmudug iyo dowladda dhexe ee federaalka, kaddib markii Wasaaradda Arrimaha Gudaha iyo Federaalka ay soo saartay war saxaafadeed ku aadan doorashada Galmudug, in la qabto shirweyne dib u heshiisiin iyo in muddo xileedka Madaxda Galmudug ay ku egtahay 4-ta July.

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...