Somaliland: Taariikh-nololeedkii Abwaan Cabdillaahi Ciise SINGUB Oo Geeriyooday

Date:

Allaah ha u naxariistee waxa Magaalada Addis Ababa ee Caasimadda Dalka Itoobiya ku Geeriyooday Abwaan Maxamuud Cabdullahi Ciise (Sangub).

Abwaanka Xaalad Caafimaad-darro u yaallay Cisbitaal ku yaalla Magaalada Addis Ababa, halkaasi oo uu ku Geeriyooday Maanta gelinkii hore.

Abwaan Xersi Dhuux oo kamid ah golaha abwaanada Soomaalida ayaa xaqiijiyay geerida Abwaan Sangub.

Taariikhda Abwaan Marxuum Sangub

Maxamuud Cabdillaahi Ciise (Sangub), wuxuu ku dhashay baadiyaha magaalada dhagaxbuur dhulka Is-maamulka deegaanka Soomaalida Itoobiya, sannadkii 1944, halkaas oo uu ku barbaaray.

Sangub markii da’diisu shan jir gaadhay ayuu ku bilaabmay u hilowga fanku. Dhalinyaranimadiisii, wuxuu ku soo caan baxay ciyaaraha dhaqanka, gaar ahaan ciyaarta “Dhaantada” Ka sokow dhinaca Ciyaaraha dhaqanka Sangub, wuxuu ahaa gabayaa ka hida qaba qoysas kala duwan wada gabya, aabihii, abtiyaashii iyo walaalihii intuba way gabyi jireen.

Sangub, markii uu barbaar noqday ayuu ayuu yimi magaalada Hargeysa, sannadkii 1961, wuxuuna tegay Idaacadda Raadyow Hargeysa, halkaas oo imtixaan lagaga qaaday, Sangub isaga oo ka hadlaya sidii wax u dhaceen, ayuu yidhi: “Naxariistii Jano ilaahay ha siiyee, Ninkii la odhan jiray Huryo, ayaa yidhi; ‘Inankan haddii aad loo reer magaaleeyo, wax buu samayn karaa, markaa waa in la qaataa’.” Xaajji Cabdi Ayuub oo madax ka ahaa Raadiyow Hargeysa, ayaa codsigii ka ogolaaday, sidaana wuxuu kaga hawl-galay Raadiyaha oo uu ka qaban jiray, shaqo aan rasmi ahayn. “Sidaa darteed, Huryo ayaa sabab u ahaa in aan dhulkii ka imaado oo aan Fanka Soomaalida ku soo biiro,” ayuu yidhi Sangub oo ka hadlayay cidii gacanta ku siisay inuu ku dhiirado, kana qayb-qaato Fanka.

Ka dib markii uu ka helay shaqo-aan-rasmi ahayn magaalada Hargaysa ayuu waxa uu u wareegay magaalada Muqdisho sannadkii 1961, halkaas oo uu imtixaan u u galay, isaga iyo 21 qof oo kale halkaasna uu isagu dhinaca gabayga uu ku guulaystay, sidaas ayuuna kaga shaqo galay Idaacadda Muqdisho;.

Riwaayadihii uu sameeyay

Naga Guur
Lamood noqonse wayday.
Yaxaas dhega-duub
Qabrigii Jacaylka.
Xuudbaa liqay Jacaylkii
Xuskii Jacaylka,
Xoriyo nin geyaa ha guursado.
Gari ma kaa baxdaa
isuma qado

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...