Somaliland: ” Shirka Habar Jeclo Iyo Garxaajis Wakhtigan Munaasib Ma Aha …” Ex Wasiir Cukuse Oo Ka Qayliyey Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco

” Shirka Habar Jeclo Iyo Garxaajis Wakhtigan Munaasib Ma Aha …” Ex Wasiir Cukuse Oo Ka Qayliyey Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco
Siyaasi Cabdilaahi Cukuse Oo Kamida Masuuliyiinta Xisbiga KULMIYE Ayaa Ka Hadlay Shirka Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco,Kaas Oo La Filaayo Inuu Dhowaan Ka Dhaco Gobolka Togdheer,

Cukuse Ayaa Sheegay In Shirkaasi Yahay Midan Wakhtigan Loo Baah-nayn,Sidoo Kale Isaga Oo Cabiraya Fekerkiisa Waxa Uu Sheegay Inaanay U Muuqan Shir Wakhtigan Suuro Gala Inuu Qabsoomo,Siyaasi Cukuse Oo Shirkaasi Ka Hadlaaya Ayaa Yidhi”

“Arintaasi Maaha Mid Hada Ii Muuqata,Baahi Loo Qabo Inuu Shirkaasi Qabsoomana Ma Jirto”Hadii Ay Jirto In Cid Beelo Ah Shir Loo Qabto Ceel-Afweyn Ayaa U Baahan In Dadkii Nabada Qaatay Ee Magta Kala Qaatay, Calool Sami Danbe Laysugu Yeedj-yeedho,Oo Iyagii La Heshiisiiyo Oo Lakala Dhex Fadhiyo”

Sidoo Kale Siyaasi Cukuse Ayaa Tilmaamay Inaanay Jirin Sabab Ay Beelaha Kale Kaga Duwanaadan Isla Markaana Ay Gaar Ugu Shiraan Beelaha Bariga Iyo Galbeedka Burco

Comments

comments