Mesut Ozil Oo Arooskiisa Sameeyay Laba Arimood Oo Layaab Leh, Madaxwaynaha Turkiga Erdogan Milxiis U Noqday Iyo Sawirada Arimihii Dhacay.

Date:

Xidiga kooxda Arsenal ee Mesut Ozil ayaa la aqal galay gacalisadiisii ay waqti dheer soo wada socdeen ee Miss Turkey Amine Gulse wuxuuna aqalgalkoodu ka dhacay magaalada Istanbul ee dalka Turkey halkaas oo uu madax wayne Racep Tayyip Erdogan minxiis ugu noqday xidiga asal ahaan dalkiisa ka soo jeeda.

Mesut Ozil ayaa loo sameeyay aroos heer qaran ah kaas oo uu madax waynaha Turkeyga ee Racep Tayyip Erdogan si wayn uga dhex muuqday isla markaana uu cusbo sii mariyay nabaradii Germany iyo Turkey ee Mesut Ozil ku soo dhex maray.

Marka laga yimaado quruxda xafladii arooska Mesut Ozil iyo in madax waynaha Turkiga ee Racep Tayyip Erdogan uu minxiis u ahaa waxa kale oo jirtay arin layaableh oo uu Ozil sameeyay taas oo taabatay dareenka dadwaynaha aduunka.

Mesut Ozil iyo xaaskiisa Amine Gulse ayaa go’aan ku gaadhay in xaflada arooskooda ay kaga farxiyaan 1000 kun carruur ah oo la dhibtoonaya xanuuno halis ah oo u baahan qaliino nolol badalid ah.

Mesut Ozil iyo xaaskiisa ayaa dadkii magaca lahaa ee xafladooda ka soo qayb galayay waxay ka dalbadeen in ay bixiyaan lacag deeq ah si ay xafladooda aroosku u noqoto mid lagu badali karo nolosha 1000 caruur ah oo u baahan qaliino waa wayn oo noloshadooda lagu badalayo.

Ozil ayaa lagu xusuustaa lacagii £240,000 kun ee gini ahayd ee uu ku bixiyay dalka Brazil taas oo kadib koobkii aduunka ee 2014 kii qaliino loogu sameeyay 23 caruur dalka Brazil ee uu koobka aduunku ka dhacayay ka soo jeeda.

Doorkii uu madax waynaha Turkey ee Racep Tayyip Erdogan ku yeeshay xafladii arooska Mesut Ozil ayaa noqotay mid hadal hayn wayn ku reebtay kubbada cagta iyo guud ahaan siyaasada.

Racep Tayyip Erdogan ayaa si wayn ugu hiiliyay xidiga asal ahaan Turkey ka soo jeeda ee Mesut Ozil kaas oo xulka qaranka Germany iskaga casilay arimo cunsurinimo ah iyada oo markii hore lagu eedeeyay in uu sawir la galay Racep Tayyip Erdogan oo ay markaas Germany siyaasad ahaan isku hayeen.

Laakiin Racep Tayyip Erdogan ayaa markiisa ciyaaray doorkiisa si uu Germany ugu muujiyo in ayna jirin cid kala dhex gali karta Mesut Ozil iyo dadkiisa Turkey wuxuuna qaatay go’aan geesinimo leh si uu Ozil ugu muujiyo in uu yahay ciyaartoy ay markii horeba ahayd in uu Turkey matalo.

Sawirada arooska Mesut Ozil ee uu madax wayne Racep Tayyip Erdogan sida wayn uga dhex muuqdo ayaa baraha bulshada aduunka ka soo muuqday iyada oo si wayn loo hadal hayo tabarucaadka ay Ozil iyo xaaskiisu u samaynayaan 1000 ka caruurta ah ee qaliinka ay u samayn doonaan.

https://twitter.com/itsharambanter/status/1137083317503897601

https://twitter.com/AIS_BDG/status/1137054164897296384

Wargane News
Wargane News
Delivers latest somali breaking news and information on the latest top stories, weather, business, entertainment, politics, and more.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here

This site uses Akismet to reduce spam. Learn how your comment data is processed.

Share post:

Subscribe

Popular

More like this
Related

Time to Temper Response to Ethiopia and Somaliland

The crisis in bilateral relations between Somalia and Ethiopia...

Al-Shabab captures UN helicopter in central Somalia

Several passengers reportedly taken by the armed group after...

It is Time for the World to Recognize Somaliland

omaliland has been on a charm offensive for three...